
Taariikhda Sacad Habargidir iyo guulaha waaweyn ee ay ka gaareen halganka Somalia
Wasiir Falagle run badanaa ?
Sacad Habargidir waa beel Hal Abuur badan.
Qormadiisa inta wanaagsan hadaan ka soo qaato.
1- Xilligii gobanimadda Soomaaliya Sacad ayaa hogaanka u hayay Cabdullahi Ciise Maxamuud, Cali Shido Cabdi iyo Xaaji Faarax Cali Cumar.
2- Gollaha shantii dal ee ku adkaaday dagaalkii labaad ee dunida waxaa hor fariistay seddex nin oo Sacad ah kuwaas oo metelayay Soomaaliya ,waxeyna kala ahaayeen Cabdullahi Ciise , Xaaji Faarax Cali Cumar iyo Otaawo.
3- 1954 Dowladii Governo Sacad ee daakhiliyadda Soomaaliya waxey dalka u horseeday Dimoqoraadiya ka hirgasha geeska Afrika, qof iyo cod , waxaa hogaaminayay Cabdullahi Ciise Maxamuud.
4- 1969 markii dowladii kacaanka afgembisay dimoqoraadiyadii Soomaaliya waxey Sacad-ku lahaayeen ugu yaraan labo Wasiir ilaa 1988-kii. taariikhda dhacday waxaa ugu weyneed iney Sacad halmar kaliya lahaayeen Safiirka Qaramadda Midoobay u fadhiyay Soomaaliya, Safiirkii Mareykanka u fadhiyay Soomaaliya, Safiirkii Pakistan iyo Barigga dhexe u fadhiyay Soomaaliya, Safiirkii Midowga Afrika u fadhiyay Soomaaliya ? 1- Cabdullahi Axmed Cadow, 2, Maxamed Warsame Kiimiko, 3, Cabdullahi Ciise Maxamuud, 4 Cabdisalaan Xaaji Liibaan Dhabancad. waxaa intaas dheereed iney Sacad lahaayeen sagaal Jeneral.
5- Kaligii taliyahii Siyad Barre ee 21-ka sano waxaa duulaankii lagu riday horkacayay Sacad, Jeneral Caydiid.
6- Dalalkii Shisheeye ee Mareykanka horkacayay waxey dagaal la galeen Jeneral Caydiid laakiin waxaa lagu wiiqay abaabul ay hogaaminayeen Saraakiisha dagaalka Sacad.
7- Beesha Governo Sacad waxey Galmudug ku aas aaseen Galmudug, wuxuuna noqday maamul guuleeystay.
8 - Kaligii Taliyahii Farmaajo waxaa hilfaha u qaaday Sacad, waxaana markii ugu dambeeysay tusbax uga adkaaday Raysulwasare Rooble halka uu dhaawacii Farmaajo dhameeystiray Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad oo ahaay shir gudoonka gollaha shacabka.
9- Governo Sacad Dowladda Xasan Sheekh kama helin saamigii ay mudnaayeen, waxaana shaqada laga ceyriyay inta badan dadkii Sacadka u dhashay.
10- Xildhibaanada beesha Sacad ku metela labada golle waxey noqdeen kuwa fadhiida oo ay ka karti badan yihiin Xildhibaanada Saleebaan Habargidir.
11- Xildhibaanada Sacad ku metela Galmudug waxey noqdeen kuwa uu ka dhex hadlo Qoor Qoor sida Maxamed Calool Geel. waxaana Sacad laga eryay xoghayahii dowladda hoose ee Magaalada Dhuusamareeb.
12- Beesha Sacad Habargidir wax metelaada kuma lahan maamulkii ay dhisteen ee Galmudug, waxeyna noqotay Maqaayad u shidan rag aan Sacad u dhalan.
13- Magaaladii taariikhiga aheyd ee Hobyo maanta waxaa la leeyahay waxaa loo qeybinayaa reer Galmudug , iyadoon Caasimadii Galmudug loo qeybin reer Galmudug,nasiibdaro dadkii Sacad u dhashay waxey dhageysanayaan oo ka doodayaan ‘SACAD AYAA LEH HOBYO IYO MALAHA EE GOLLAHA DEGAANKA HALA QEYBSHO”
14- Beesha Sacad shirar kala duwan ayaa u socda ,waxaana muuqata iney jirto dib u curasho ka duwan kuwii hore, waxaa macquula in go-aan adag dal iyo dibad laga qaadan doona kuwa ku fashilmay hogaaminta beesha ee dabaqyada ka dhistay.
Waxaa qoray Dahir Alasow.
Leave a comment
Waagacusub TV
Loading...
Taariikhda Sacad Habargidir iyo guulaha waaweyn ee ay ka gaareen halganka Somalia
Wasiir Falagle run badanaa ? Sacad Habargidir waa beel Hal Abuur badan. Qormadiisa inta wanaagsan hadaan ka soo qaato. 1- Xilligii gobanimadda Soomaaliya Sacad ayaa hogaanka u hayay Cabdullahi Ciise Maxamuud, Cali Shido Cabdi iyo Xaaji Faarax Cali