Somalia oo hal-milyan oo neef sanadkaan u dhoofisay Saudi Arabia

0
Saturday June 24, 2023 - 02:21:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 7258
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalia oo hal-milyan oo neef sanadkaan u dhoofisay Saudi Arabia

    Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xassan Xuseen Maxamed ayaa sheegay iney malyan iyo labo boqol oo neef oo xoolo ah sanadkaan laga dhoofiyay gudaha dalka Somalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xassan Xuseen Maxamed ayaa sheegay iney malyan iyo labo boqol oo neef oo xoolo ah sanadkaan laga dhoofiyay gudaha dalka Somalia.
Xassan Xuseen Maxamed oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dhoofinta xoolaha ee sanadkaan ay yihiin tiro ka badan kuwii la dhoofin jiray sanadihii lasoo dhaafay,sababo la xiriira iyadoo uu soo wanaagsanaanaayo xiriirka wax wada qabsi ee u dhaxeeya dalal kamid ah Soomaaliya iyo kuwa dunida.

Waxaa uu xusay in suuqa iibgeynta xoolaha Soomaaliya uu soo hagaagayo, sidaa daraadeedna loo baahan yahay in maalgashi lagu sameeyo ganacsiga xoolaha si loo kobciyo tiro ahaan iyo tayo ahaan.

Dhoofinta xoolahaan ayaa illaa hadda ka socota dekedaha Berbera,Boosaaso ,Muqdisho iyo kuwo kale,iyagoo ku socda dalalka Sacuudiga Lubnaan, UAE, Cumaan iyo kuwo kale.
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...