Sababta Dahir Alasow uga aamusay Ugaarsiga xilalka Sacad Habargidir ee Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh

0
Wednesday July 05, 2023 - 02:41:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 6174
  • (Rating 4.5/5 Stars) Total Votes: 2
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Sababta Dahir Alasow uga aamusay Ugaarsiga xilalka Sacad Habargidir ee Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh

    Siyaasiyiinta iyo Qurba Joogta Sacad Habargidir ayaa aad iigu dhaliilay inaan ka aamusay boos ka riixasho iyo ixtiraam daro lagu sameeyay dad u Dhashay beesha Sacad oo xilalkii ay hayeen laga qaaday halkii Madaxweyne Xasan Sheekh laga sugaayay inuu s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiyiinta iyo Qurba Joogta Sacad Habargidir ayaa aad iigu dhaliilay inaan ka aamusay boos ka riixasho iyo ixtiraam daro lagu sameeyay dad u Dhashay beesha Sacad oo xilalkii ay hayeen laga qaaday halkii Madaxweyne Xasan Sheekh laga sugaayay inuu si gaara beesha Sacad u abaalmariyo maadama la wada ogyahay shaqadii ay qabteen Raysulwasaare Rooble iyo Gudoomiye Dhabancad. Marka koowaad Xildhibaanada beesha Sacad aniga kuma jiro, xil Wasiirna uma haayo, waxa Sacad ku dhacayna Saleebaan kuma dhicin oo waa naga metelaad fiican yihiin, Xildhibaanadooda,Senatorkooda iyo Wasiirkooda waxey aad ugu dhaw yihiin Madaxweyne Xasan laakiin sababaha aan u aamusay waxaa ugu weyn.

1- Aniga haddii aan qaladaadka dhacay ka hadlo waan dabeecad xumahay oo dagaal baan gelayaa, taasina ma rabo .

2- Ujeedka aan Muqdisho u joogo waa inaan Shan Sano la shaqeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo inaan bedelno dabeecadda Hawiye ee ku saleeysan ku dheg walaalkaa.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh mudadii uu xafiiska joogay wuxuu qabtay shaqo adag, xilli adag oo daruufo dhaqaale uu wajahayo.

- Khawaarijta Al-Shabaab ayuu dagaal toosa la galay, waana ka guuleeystay , inta badana waa laga sifeeyay, maanta Muqdisho waa Nabad.

- La dagaalanka musuqmaasuqa ayuu iclaamiyay oo Isla xisaabtan Dhab ah ayaa biloowday.

-  Hanaanka doorasho Qof iyo Cod ah ayuu dalka u diyaarshay, taasina waa guusha ugu weyn ee taariikhdiisa.

- Waxaa horyaal mashruuca shaqo abuurka dhalinyaradda Soomaaliyeed.

Intii aan joogay Muqdisho waxaa iigu yaab badan Madaxweynaha 7 Subaxnimo ilia 1-da habeenimo wuxuu ku jiraa qaabilaad ,shaqooyin culus ama safaro. Wuxuu noqday subaxdii qofka ugu horeeya ee soo kaca,habeenkiina qofka ugu danbeeya ee seexda.

Madaxweynaha xaaladaas ku sugan in loo gardhigto mooyee, ilama qurxoona inaad Sacadow mucaaradaan.

Waxaan daawaday Madaxweyne Xaaf oo ah odayga ugu mudan beesha Sacad oo Dowladda Xasan Sheekh ku sifeeyay Dowladii umu xumeeyd , sidoo kalena waxaan la kulmay halgamaaga weyn Xildhibaan Dhabancad oo si aan fiicneeyn loola dhaqmay. Labadaba anigaa isu xilqaamay inaan kiiskooda si wanaagsan ku dhameeyo inshaa allaah.

Qoraalkaan waxaan u faafiyay maadama aan dad badan ugu jawaabi karin si private ah.

Fadlan Hawiyoow iska dhaafa talo xumada oo aan ka shaqeeyno danta cuud insta allaah.

Mahadsanidiin.

By Dahir Alasow 


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...