Siyaasi Wasiir hore oo fariiin muhiima u diray Ciidanka iyo shacabka Howlgalka Socdda

0
Thursday August 31, 2023 - 17:46:33 in Wararka by Sahal Muqdisho
  • Visits: 3724
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Wasiir hore oo fariiin muhiima u diray Ciidanka iyo shacabka Howlgalka Socdda

    Waagacusub.com:- Wasiirkii hore ee wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaddaha Eng. C/llaahi Cali Xasan oo kamid ahaa musharaxiinta u tartamay xilka Madaxweyne, ayaa ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed in la garab istaago howlgalka socdda ee madaxweyne Xasan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com:- Wasiirkii hore ee wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaddaha Eng. C/llaahi Cali Xasan oo kamid ahaa musharaxiinta u tartamay xilka Madaxweyne, ayaa ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed in la garab istaago howlgalka socdda ee madaxweyne Xasan Sheekh hormuudka u yahay, Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa si gaara fariintaan muhiimkaa ugu diray ciidamada, shacabka iyo cid kasta oo Soomaaliyeed isagoo qormadiisa ku bilaabay sidaan:.


Waxaa in muddo ah ka socday qaybo ka mid ah dalkeenna, gaar ahaan Hirshabelle iyo Galmudug   dagaalo ay ciidamadda xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa degaanada ay ay dalka uga xoreeynayaan ururka argaxisada ah ee Alshabaab oo nabadda iyo deganaanshaha dalkeenna caqabad weyn ku ahaa muddo kor u dhaafeysa 15 sano, welina ku howlan daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed.

Waxaa xusid mudan in ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo u taagan in ay naftooda u huraan shacabka Soomaaliyeed ay guulo lixaad leh ka soo hooyeen dagaalka ay kula jiraan khawaarijta oo ay cadawgaas manaxayaasha ah ay ka xoreeyeen degaano badan oo shacabkii deganaa ay maanta ku naaloonayaan nabad iyo horumar bulsho. Waxaa intaas dheer in ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanku ay hadda ku howlanyihiin dhameystirka xoreynta degaanada kooban ee ku haray gacanta khawaarijta, islamarkaana gaarsiiyeen jab culus oo aysan ka soo kabsan karin cadowgaas u taagan gumaadka shacabka Soomaaliyeed oo ka hortaagan nabadda iyo horumarka una diiday shacabka Soomaaliyeed dowladnimo iyo in ay ku noolaadaan Sharaf iyo karaamo.

Waxaan bogaadinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo u istaagay in uu Hoggaamiyo dagaalka lagula jiro Khawaarijta, isaga oo oo mudnaanta koowaad ka dhigtay la dagaalanka iyo ciribtirka Khawaarijta, waxaana marag ma doonta ah in guulo badan laga soo hooyay dagaalka lagula jiro khawaarijta, waana waajib muqadas ah in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed meel kasta uu joogo uu garab ku siiyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya dagaalka ay kula jirto argagaxisada khawaarijta si looga ciribtiro dalka.

Dhammaan Umadda Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan, haddii ay ahaan lahaayeen siyaasiin, aqoonyahan, culumaaudiin, haween, dhallinyaro iyo waayeel, waxa keliya oo la gudboon maanta waa in ay la garab istaagaan taakuleen iyo taageero hagar la’aaneed geesiyaasha naftooda iyo dhiiggooda u huraaya in ay dalka ka xoreeyaan khawaarijta maalin walba u daadinaya dhiigga shacabka Soomaaliyeed si aan kala sooc lahayn oo naxariis la’aan ah. 

Dhammaan dadka Soomalida waxaan xasuusinaa tixidan qaaliga ah  ee uu tiriyey abwaankii Salaan Carabey ee uu  yiri  Allaha u naxariistee.”haddaad dhimato geeridu marbay nolosha dhaantaaye, dhaqashiyo mar bay kaa yihiin dhereggu xaaraane, nin dhirbaaxo quudheed dugsaday dhaqayaded maaly’e, dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abid’e’’

Waxaa kale oo aan soo dhaweynaa hadalkii Madaxweynaha ee ahaa in la sixi doono oo casharo laga bartay, wixii khaladaad ah ee dhacay mudadii uu socday dagaalka lagula jiro khawaarijta, sida ugu dhaqsaha badana loo xoreyn doono degaanada kooban ee weli ku harsan gacanta khawaarijta. Waxaan leeyahay ciidamada geesiyaasha ah ee u taagan difaaca shacabkooda, yeysan idin niyad jebin khayaanooyinka ay maleegayaan khawaarijta oo ku dhisan "qaybi oo dhiigooda ku qubeyso shacabka’ Soomaaliyeed”,  waxaan idin leeyahay”guulestayaalow halkiina ka sii wada howlgalada dib-u-xoreynta degaanada kooban ee weli ku harsan gacanta khawaarijta, guushuna waa dhowdahay’’.


Loading...

Ugu dambeyntii, waxaan hambalyo iyo bogaadin halkaan uga dirayaa ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa jiidda hore ee dagaalka ku sugan iyo ciidanka difaaca shacabka oo dagaalka kula jira Khawaarijta si ay u ciribtiraan. Geesiyaashii ku shahiiday dagaalka lagu ciribtiraayo argagaxisada Allaha u naxariisto, kuwii ku dhaawacmayna waxaan Ilaah uga baryeynaa in uu booga dhayo oo ku bogsiiyo. Runtii, baal dahab ah ayaad uga qormi doontaan taariikhda Soomaaliyeed ee "WAARI MEYSIDE WAR HA KAA HARO”


GUUL IYO GOBANIMO


Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...