[Al-Shabaab ] oo howlgal culus looga saaray dhul ballaaran oo istiraatiji ah

0
Wednesday September 06, 2023 - 16:39:45 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 3504
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Al-Shabaab ] oo howlgal culus looga saaray dhul ballaaran oo istiraatiji ah

    Muqdisho (waagacusub media ) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin kasoo saartay howlgal culus oo ka socda gobolka Galgaduud, kuwaasi oo kooxda looga saaray dhul ballaaran oo istiraatiji ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho (waagacusub media ) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin kasoo saartay howlgal culus oo ka socda gobolka Galgaduud, kuwaasi oo kooxda looga saaray dhul ballaaran oo istiraatiji ah.

Ciidanka xoogga dalka, kuwa Daraawiishta iyo ciidanka difaaca shacabka oo ayaa kooxda ka saaray dhulkaas ballaaran oo ku yaalla inta u dhexeeya wadada xiriirisay degmooyinka Ceel-buur iyo Dhuusamareeb.

Goobaha laga saaray Al-Shabaab ayaa waxaa kamid ah magaalada istaraatiijiga ah ee Ceel-lahelay, Llaba-dulle, Dhaban-dhul kuhays iyo dhul balaaran oo ah hawdka ay ku dhuumanaysay dagaal-yahaanada Al-Shabaab, sida lagu shaaciyay bayaanka kasoo baxay dowladda.

Howl-galkaan oo xoogiisu ka socdo dhulka Hawdka ayaa waxay dowladda sheegtay in saacad kasta soo yaraynayaan dhulka ay ku dhuumanayaan Khawaarijta haraadiga ah ee maamulka Galmudug.

"Guulaha isdabajoogga ah ee Ciidanka Qaranka iyo Ciidanka Difaaca Shacabka ayaa ka dhashay iskaashiga Qaran ee uu hogaaminayo Madaxwayne Xasan Sh Maxuud oo hadda ku sugan aagaga dagaalka si uu u garab istaago geesiyaasha Qaranka,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka dowladda.

 

Howl-galkaan ayaa imanaya laba maalin kahor markii ciidanka Qaranka ay bur-buriyeen maleeshiyad Shabaab ah, kuwaasi oo ku sugnaa labo deegaan oo lagu kala magacaabo Xiin-Tubaal iyo Ceel-Cali Wayd oo ku yaalla Koonfuur Bari ee Gobolka Galgaduud.

Bayaan dowladda kasoo baxay markaas ayaa lagu sheegay in illaa iyo 43 ka tirsan kooxda Al-Shabaab ah lagu dilay howl-galka, waxaana lagu burburiyay saddex gaari oo kooxda ay lahaayeen.

 

"Khawaarijta halkaas lagu laayay waxaa ay ahaayeen maleeshiyaad halkaas ay ku uruuriyeen Khawaarijtu kuwaas oo ka kala yimid goobo kala duwan oo horay loogu weeraray Khawaarijta,” ayaa lagu yiri bayaankaas oo ay soo saartay wasaaradda warfaafinta.

Howl-gallada sifaynta Al-Shabaab ee ka socda Galmudug ayaa si isdaba joog ah looga gaaray guulo ballaaran, iyada oo lagu sii dhawaanayo meelaha kooban ee kooxda ku sugan tahay, sida lagu yiri bayaanka dowladda.

 

Si kastaba, dagaalka Al-Shabaab ayaa dardar ku socda ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu muddo ku siman hal bil uu xarun ka dhigtay magaalada Dhuusamareeb ee maamulka Galmudug, ayada oo uu weli ku sugan yahay furimaha dagaalka, si loo soo afmeero howl-gallada wejiga koowaad ee dagaalka, si loogu gudbo wejiga xigga oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.


Loading...

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...