[QoorQoor] wuxuu qiyaamay Madaxweyne Xasan Sheekh.

0
Thursday September 07, 2023 - 01:07:32 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 3887
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [QoorQoor] wuxuu qiyaamay Madaxweyne Xasan Sheekh.

    Dhuusamareeb (Waagacusub media ) – Khilaaf culus ayaa ka dhex qarxay Madaxweynaha GalMudug Axmed Qoor Qoor iyo ku xigeenkiisa Cali Ciid, kadib markii Madaxweyne ku xigeenku uu mar kale xil ka qaadis ku sameeyey wasiirka arrimaha gudaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhuusamareeb (Waagacusub media ) – Khilaaf culus ayaa ka dhex qarxay Madaxweynaha GalMudug Axmed Qoor Qoor iyo ku xigeenkiisa Cali Ciid, kadib markii Madaxweyne ku xigeenku uu mar kale xil ka qaadis ku sameeyey wasiirka arrimaha gudaha.

Qoor Qoor ayaa soo saaray qoraal uu ku laalay xilka qaadis uu Cali Ciid ku sameeyey wasiir Cabdi Waayeel, waana markii labaad oo Madaxweyne ku xigeenku uu si bareer ah xilka uga qaaday wasiirkaas.

Sidoo kale Qoor Qoor ayaa qoraalkaan ku diiday xil ka qaadis golaha deegaanka degmada Caabudwaaq ay todobaadkii hore ku sameeyeen guddoomiyihii degmadaas.

Cali Ciid ayaa Wasiir Cabdi Waayeel ku eedeeyey inuu xagal-daacinayo dagaalka Al-Shabaab, shaqo gudasho la’aan iyo farogelin uu ku haayo golayaasha deegaanka ee degmooyinka Galmudug.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Qoor Qoor ayaa lagu yiri, "Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa buriyay waraaqda kasoo baxday Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ee shaqada looga joojiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Dowladda Galmudug mudane, Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel).”

Sidoo kale Qoor Qoor ayaa qoraalkiisa ku sheegay in awood uusan laheyn uu isticmaalayo Cali Ciid, taasina aysan ka socaneyn Galmudug, sida loo dhigay warkaan.

"Tallaabadan ayaa gabi ahaanba kasoo horjeeda Dastuurka Galmudug, lidna ku ah awoodaha Dastuurku siinayo madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug.”

Dhinaca kale Madaxweyne Qoor Qoor ayaa buriyey xil ka qaadistii lagu sameeyey guddoomiyihii degmada Caabudwaaq oo golaha deegaanka ay kala noqdeen codkooda kalsoonida.

Madaxweynaha ayaa caddeeyay in maamulka degmada Cabudwaaq aysan waxba iska beddalin  sida uu qabo sharciga dowladaha hoose ee Dowladda Galmudug,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa farriin u diray hey’adaha amniga iyo garsoorka ee degmada Caabudwaaq, isagoo faray inay gacan bir ah ku qabtaan cid kasta oo isku dayda inay qalqal geliso xasiloonida.

"Madaxweynaha ayaa faraya hay’adaha amniga iyo garsoorka inay waajibkooda ka gutaan cidkasta oo wax u dhibta amniga iyo xasilloonida degmada Cabudwaaq,” ayuu yiri Qoor Qoor

Waa markii labaad ee Madaxweyne ku xigeenku uu xilka ka xayuubiyey wasiirka arrimaha gudaha oo Mareexaan ay isla yihiin, waxaana ka dhaxeeya khilaaf soo jireen ah, inkastoo aanaan weli ogaan waxa uu salka ku hayo.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...