[Dagaal culus] oo ka socda Ceel-lahelay iyo wararkii u dambeeyey

0
Friday September 15, 2023 - 21:24:30 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 3644
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Dagaal culus] oo ka socda Ceel-lahelay iyo wararkii u dambeeyey

    Dhuusamareeb (Waagacusub media ) –Dagaal culus ayaa galabta ka dhacay deegaanka Ceel-lahelay ee gobolka Galgaduud, kadib markii kooxda Al-Shabaab ay weerartay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo muddo 10 cisho ku dhow deegaankaas joogay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhuusamareeb (Waagacusub media ) –Dagaal culus ayaa galabta ka dhacay deegaanka Ceel-lahelay ee gobolka Galgaduud, kadib markii kooxda Al-Shabaab ay weerartay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo muddo 10 cisho ku dhow deegaankaas joogay.

In la helo xogta dagaalkaas ayaa aad u yar, maadaama aysan deegaanka ka jirin wax is gaarsiin ah, balse waxaa la xaqiijiyey dagaalka oo soo bilowday galabta Casirkii uu ahaa mid xoogan.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maalmahaan ku sugnaa deegaanka galabta la weeraray ee Ceel-lahelay.

Ma jirto cid ilaa hadda xog ka bixisay dhinaca ku gacan sareeya dagaalka oo aad u cuslaa, ciidamada dowladda ayaa u diyaarsanaa inay iska difaacaan weerar kasta oo Shabaab uga yimaada.                                   Cutubyo isugu jira Danab, Gor Gor iyo ciidamada dib u xoreynta deegaanka ayaa maalmahaan ku sugnaa Ceel-lahelay, sidoo kale waxaa halkaas joogay masuuliyiin la socotay ciidanka oo metela dadka ku nool deegaanada la xoreynayo.

Dagaalka galabta ka dhacay Ceel-lahelay waxaa la sheegay inay barbar socdeen duqeymo ay adeegsanayaan ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan Danab oo diyaarado dagaal ay hawada ka taageeraan.

Markii laga reebo in khabarka soo yeeraya uu yahay in dagaal culus uu dhacay, ma jirto faahfaahin laga helay dowladda ama xog kale oo tilmaameysa wixii dhacay.

Dagaalkii ugu cuslaa ayaa Shabaab hadda kaga furan Galmudug, ugu yaraan seddax jiho oo kala ah Ceel-lahelay, Xinlebi iyo Laas-gacamey ayey kala joogaan ciidamada dowladda, deegaanadaan iyo kuwo kaleba waxaa kooxda laga xoreeyey toddobaadkaan dhamaaday.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...