Muqdisho waxaa ka socda soo fiirso xil qof Sacad ah haayo ama dhul qoysas Sacad ah degan yihiin ?

0
Friday October 06, 2023 - 05:24:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 5147
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Muqdisho waxaa ka socda soo fiirso xil qof Sacad ah haayo ama dhul qoysas Sacad ah degan yihiin ?

    WAAGACUSUB.COM - Xukunka Maxkamadda wuxuu qabtaa dhulka Danta guud ee qoysaska Sacad kaliya ? Saraakiisha beesha Reer Xaaji Saleebaan iyo Siyaasiyiintooda waxey Astaan u noqdeen naceybka beesha Sacad Habargidir oo la isku yiraa BAH QUMIS.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WAAGACUSUB.COM - Xukunka Maxkamadda wuxuu qabtaa dhulka Danta guud ee qoysaska Sacad kaliya ? Saraakiisha beesha Reer Xaaji Saleebaan iyo Siyaasiyiintooda waxey Astaan u noqdeen naceybka beesha Sacad Habargidir oo la isku yiraa BAH QUMIS.

Saraakiil Saleebaan u dhashay ayaa gabdha uur leh oo Sacad ah jirdil xun ugu geystay degaanka Asluubta, sidoo kalena xabsiga ayey dhigeen, halka ay guryahoodiina burburiyeen.

Saraakiisha ayaa ii sheegay iney fulinayeen amar ka soo baxay Maxkamadda gobolka Banaadir hasse yeeshee waxaan weeydiiyay sababta dhulka danta guud ee Sacad degan yihiin kaliya loo beegsado ? maxaa yeelay Saleebaan waxey degan yihiin Shiirkole,Oodweyne ilaa xeradda Cuuryaamiinta oo ah dhul danguud !!

Beelaha Abgaal iyo Murusade oo dhan waxey degan yihiin dhul danguud , tusaale Muse Sudi Yalaxow wuxuu degan yahay Miranaayo oo ah dhul danguud ?

Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Saleebaan waxey beegsadeen dhulkii Kaza Italia, Xaruntii Jeneral Caydiid ee Banaadir iyo dhulkii Asluubta iyo Warshadda daawada. dhulkaas waxey burburiyeen guryahii ku yaalay, waxeyna si fool xun ula dhaqmeen qoysaskii beesha Sacad ee deganaa 30 sano ka badan.

Saleebaan-ka ma beegsan oo kaliya dhulka qoysaska Sacad laakiin waxey qaateen xilkii uu ka dhintay Jeneral Qooje Dagaari, sidoo kalena waxey ku guuleeysteen iney xilkii Agaasimaha adeega iyo khidmooyinka gobolka Banaadir ka xoogaan Yaxye Haragshabeel oo u dhashay Sacad.

Xaqiiqadu waxey tahay beesha Sacad metelaad kuma lahan Dowladda Federalka Somalia. waxaana gebay kuwa ku magacaaban Wasiirada iyo Xildhibaanada labada aqal.

Muqdisho waxaa ka socda dhul boob xoogan iyo beegsi loogu magacdaray soo fiirso xil qof Sacad ah haayo iyo dhul danguud oo qoysas Sacad ah degan yihiin?


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...