[Top news] Siyaasi Aqoonyahan si Adag u naqdiyay damaca Waalan ee Abiy Axmed iyo Itoobiya

0
Tuesday January 02, 2024 - 09:51:51 in Wararka by Sahal Muqdisho
  • Visits: 2156
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Top news] Siyaasi Aqoonyahan si Adag u naqdiyay damaca Waalan ee Abiy Axmed iyo Itoobiya

    Waagacusub.com- Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Warshadaha Injineer Cabdullaahi Cali Xassan, ayaa si adag ugu hadlay isku dayga gurracan ee heshiis ku sheegga Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Warshadaha Injineer Cabdullaahi Cali Xassan, ayaa si adag ugu hadlay isku dayga gurracan ee heshiis ku sheegga Itoobiya.
Siyaasiga Injineer Cabdullaahi Cali Xassan oo marna kamid noqday Murashaxiintii u tartantay kursiga Madaxweynaha Soomaaliya. ayaa qoray sidaan.

Waxaan si aad u adag u cambaareynaa heshiis ku sheegga ay wada gaareen dowladda Itoobiya iyo maamulka Soomaaliland. Waa arrin aan marna la aqbali karin oo  maangalna aheyn heshiis ku sheegga maamulka Somaliland iyo Abiya Axmad ku gaareen Addis Ababa, kaasoo xadgudub aad u weyn ku ah gobanimada, madaxbannaanida iyo  qaranimada dalkeenna Soomaaliya.
Loading...


Heshiis ku sheeggaan, waxaa kale uu ku xadgudbay xeerarka caalamiga ah ee Qaramada Midooobay, Midowga Afrika iyo kuwa urur goboleedyada oo dhamaantood  xoojinaayo dhowrista iyo xormeynta madaxbannaanida iyo gobanimada dawladaha xubnaha ka ah ururrudaas oo ah mid lama taabtaan ah.

Heshiis ku sheeggaan xadgudbka aadka u weyn iyo duulaanka ku ah qaranimadeena iyo madaxbanaanideenna, waa in shacabka Soomaaliyeed ay  meel uga soo wada jeestaan oo uu noqdaa midkii na mideyn lahaa oo aan dhammaanteen u istaagnaa difaaca iyo ilaalinta sharafta iyo ilaalinta gobanimada iyo madaxbannaanida dalkeena oo ah lama taabtaan.

Waxaan ku kalsoonahay in madaxda dowladeena ay ka soo saari doonaan go’aano degdeg ah oo aad u adag oo farxadgeliya shacabka Soomaaliyeed islamarkaana shacabka ku hoggaamin doonaan sidii looga hortegi lahaa damaca waalida, boobka iyo qar iskartuurnimada ku dhisan ee Itoobiya la soo banbaxday.

Soomaali Wadajirta, mid ah, Ilaah idankiisa
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...