[Topnews:-]Sababta Madaxweyne Xasan xilalkii Sacad u wada siiyay beesha Saleebaan ?

0
Thursday February 01, 2024 - 13:16:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4264
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 3
  • 1 1
  • Share via Social Media

    [Topnews:-]Sababta Madaxweyne Xasan xilalkii Sacad u wada siiyay beesha Saleebaan ?

    Waagacusub.com - Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xilalkii beesha Sacad ka heysay Dowladda Federalka Somalia wuxuu wada siiyay beesha Saleebaan . Madaxweyne Xasan wuxuu sidoo kale beesha Saleebaan u sharciyeeyay guud ahaan dhulkii danta guud ee Shiirkol

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xilalkii beesha Sacad ka heysay Dowladda Federalka Somalia wuxuu wada siiyay beesha Saleebaan . Madaxweyne Xasan wuxuu sidoo kale beesha Saleebaan u sharciyeeyay guud ahaan dhulkii danta guud ee Shiirkole Offishaale ilaa Oodweyne. halka uu weeraray dhulkii danta guud ee Sacad deganaayeen. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu siyaasadda iyo xilalka ka ilaaliyay guud ahaan Sacad, halka uu Saleebaan gaarsiiyay derajada ugu sareeysa. tusaale safarkiisa talyaniga wuxuu iska soo hormariyay Xildhibaan Odowaa iyo Xildhibaan Saadaq Joon oo ay wehliyaan Rag Abgaal ah. isku dhicii Jeneral Caydiid iyo Cali Mahdi waxey siyaasiyiinta Saleebaan taageereen Cali Mahdi, waxaana la wada ogyahay xilligaas inuu Madaxweyne Xasan Sheekh ahaay La taliyaha gacanta midig ee Cali Mahdi Allaha u naxariistee.
Xeeldheereyaasha waxey leeyihiin Madaxweyne Xasan wuxuu weli xasuustaa wixii dhexmaray Caydiid iyo Cali Mahdi.
Mudane Xasan Sheekh wuxuu Saleebaan isugu deray Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasadda Banaadir, Taliyaha Boliiska gobolka Banaadir, Madaxa maaliyadda NISA , Taliyaha ilaaladda Agaasimaha NISA,
Xasan Sheekh intaas kuma qancin ee xilkii uu ka dhintay Jeneral Qooje Dagaari oo u dhashay beesha Sacad ayuu u magacaabay Xasan Jaamico oo u dhashay Saleebaan. "TALIYAHA QEYBTA 21-AAD ee Galmudug” bal xasuuso Madaxweynaha Galmudug ninka sheegtana waa Saleebaan.
Xasan Sheekh , intaas kuma qancin ee Agaasimahii Adeega khidmooyinka Banaadir Yaxye Haragshabeel oo u dhashay Sacad ayuu amray in xilka laga qaado, waxaana booskiisii loo magacaabay Bashiir Mohamud oo u dhashay Saleebaan .
Beesha Saleebaan, Xildhibaanadooda ,Wasiiradooda waa garan waayeen iney heystaan Gudoomiye ku xigeenkii Banaadir iyo Taliyahii boliiska Banaadir hasse yeeshee Saadaq Joon, Abdurahman Odowaa iyo Abshir Bukhaari seddexda Nin ba waxey ka wada shaqeeyeen sidii xilka looga xoogi lahaay Yaxye Harag Shabeel.

Loading...

Xildhibaan Abdurahman Odowaa wuxuu ka shaqeeyay sidii xilka looga qaadi lahaay taliyahii ilaalada gaarka ahaay ee Agaasimaha NISA Mr Mohamud Jamac, wuxuuna booskiisii geystay Nin derajo ahaan ka hooseeya oo aan xitaa Xidig heysan lana yiraa Mr Daud.
Waxey ila tahay inaad fahantay sababta Madaxweyne Xasan Sheekh u neceb yahay Sacad , una jecel yahay Saleebaan ?




Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...