[Topnews:-] Sarkaalkii Muqdisho ka Afduubtay Saraakiishii Sirdoonka Faransiiska oo Mareykanka u tahriibay.

0
Friday February 02, 2024 - 18:00:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4540
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Sarkaalkii Muqdisho ka Afduubtay Saraakiishii Sirdoonka Faransiiska oo Mareykanka u tahriibay.

    Waagacusub.com- Mahad Ibrahim Xamarow oo ahaay Sarkaalkii Hotel Sahafi ka afduubtay laba sarkaal oo ka tirsanaay Saraakiisha Sirdoonka Faransiiska ayaa markii ugu horeeysay dabagal dheer kadib lagu Magaalada Ohio ee dalka Mareykanka. Saraakiisha u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Mahad Ibrahim Xamarow oo ahaay Sarkaalkii Hotel Sahafi ka afduubtay laba sarkaal oo ka tirsanaay Saraakiisha Sirdoonka Faransiiska ayaa markii ugu horeeysay dabagal dheer kadib lagu Magaalada Ohio ee dalka Mareykanka. Saraakiisha uu afduubtay Mahad Xamarow saraak ka mid ahaay oo la yiraa Denis Allex ayey argagixisadda Al-Shabaab ku dileen gobolka Shabeeladda hoose kadib markii uu fashilmay howlgal Melleteri oo ay Ciidanka Faransiiska doonayeen iney ku soo furtaan.

Wariye Dahir Alasow ayaa dabagal ku sameeyay Mr Mahad Xamarow oo codkiisa laga maqlay Tiktok isagoo aan weligiis wejigiisa shacabka tusin hasse yeeshee markii danbe ayuu Dahir Alasow soo bandhigay sawiradiisa.

Mr Mahad Xamarow oo u dhashay beesha Habargidir gaar ahaan Saleebaan ayaa markii danbe soo fariistay Live Tiktok ,wuxuuna qirtay inuu yahay Mr Mahad Xamarow oo aan la ogeyn magaca uu iskaga dhiibay Mareykanka.

Mahad Xamarow wuxuu Sarkaalka Denis Allex u gacan geliyay Al-Shabaab kadibna wuxuu u tahriibay South Africa isagoo markii danbena uga sii tahriibay Mareykanka.

Markii muuqaalkiisa lagu arkay Tiktok oo uu ku isticmaalo ciwaanka @garyaqaanka.1 ayey soo baxeen dad badan oo uu Somalia ku dhawaacay sida Nin jooga Nairobi oo sheegay inuu dhaawacay.

Hooyo ku nool Turkiga ayaa sheegtay inuu wiilkeeda ku dilay Somalia ayna ka naxdo wejigiisa marka ay aragto.

Ibrahim Abdulkadir oo joogay Hotel Sahafi Mogadishu markii uu afduubayay labada Sarkaal ee faransiiska ayaa xaqiijiyay inuu yahay sarkaalkii afduubay saraakiisha Faransiiska.

Mr Burhan Ali oo aad u yaqaan Mahad Ibrahim Xamarow ayaa sheegay inuu dilal badan ka geystay Somalia hasse yeeshee uu baxsaday markii uu afduubay labada sarkaal ee Faransiiska oo markii danbe ka soo baxsaday Xisbul Islaam. kooxdii uu hogaamin jiray Hassan Dahir Aweys oo hadda dowladda u xiran.

Sikastaba ha ahaatee, lama ogga hada inuu Mr Mahad Xamarow ka tirsan yahay argagixisadda Al-Shabaab iyo inuu isaga baxay.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...