[Topnews:-] Nin Xaaskiisa oo Uur leh nolosha ku gubay Somalia iyo Taliyaha qabyaalada iyo musuqmaasuqa badan

1
Sunday February 04, 2024 - 14:18:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3213
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Nin Xaaskiisa oo Uur leh nolosha ku gubay Somalia iyo Taliyaha qabyaalada iyo musuqmaasuqa badan

    Waagacusub.com - Taliyaha Boliiska gobolka Banaadir Macalin Mahdi oo noqday Sarkaalka ugu qabyaalada iyo musuqmaasuqa badan Saraakiisha Boliiska Somalia ayaa lagu eedeeyay inuu fakiyay Nin ay isku qabiil hoose yihiin oo nolosha ku gubay Xaaskiisa oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Taliyaha Boliiska gobolka Banaadir Macalin Mahdi oo noqday Sarkaalka ugu qabyaalada iyo musuqmaasuqa badan Saraakiisha Boliiska Somalia ayaa lagu eedeeyay inuu fakiyay Nin ay isku qabiil hoose yihiin oo nolosha ku gubay Xaaskiisa oo Uur laheyd kadib markii uu guriga ku xiray kadibna deb qabadsiiyay.
Eedeysanaha baxsadka oo lagu magacaabo Sayid Cali Macalin Daud kana mid ahaay shaqaalaha  Airport-ka Muqdisho  ayuu Taliyaha Boliiska Korneyl Macalin Mahdi gaarigiisa uga saaray Muqdisho isagoo kadibna geeyay degaanka Dhagaxdheer ee hoos taga Godinlabe.
Ninkaan Xaaskiisa uurka leh gubay oo u dhashay Saleebaan Habargidir ayaa noqday ninka ugu hadal heynta badan Social Media.
Gabadha la gubay oo u dhalatay beesha Sheekhaal laguna magacaabi jiray Luul ayaa aheyd hooyo heysatay 6 Caruur Agoon ah.
Inkastoo Luul Sheikh AbdiAziiz Cadaalad u baahan tahay hadana Allaha u naxariistee, waxaa yar rajada laga qabo iney cadaalad hesho maadama soo qabashada eedeysanaha baxsadka ay diideen Madaxweynaha Galmudug Ahmed Qoor Qoor , Xildhibaan Abdurahman Odowaa oo ah Xildhibaan awood badan lana saaxiiba Madaxweyne Hassan Sheikh iyo Taliyaha Boliiska gobolka Banaadir Macalin Mahdi oo ay dhamaantood isku qabiil hoose yihiin.
Nin u dhashay beesha Saleebaan ayaa bil ka hor Muqdisho ku fara xumeeyay wiil 7 Jira oo ka mida ardayda School-kiisa ,waxaana sidoo kale la joojiyay inuu  cadaaladda dhadhamiyo

Loading...
Loading...

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...