Dilaagii Afduubtay Wariye Michael Scott Moore oo Mareykanka tahriib ku galay.

1
Friday August 09, 2024 - 18:25:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2103
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Dilaagii Afduubtay Wariye Michael Scott Moore oo Mareykanka tahriib ku galay.

    - July 2009 Mahad Ibrahim Xamarow wuxuu Hotel Sahafi Mogadishu ka afduubtay Saraakiishii Faransiiska Denis Allex iyo Sarkaal kale oo baxsaday kadibna wuxuu ku biiray Shabaab. Isla sanadkaas ayuu u baxsaday kenya, sidaasi waxaa xaqiijiyay Afhayeenkii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

File Attachment
Size: 442 KB
- July 2009 Mahad Ibrahim Xamarow wuxuu Hotel Sahafi Mogadishu ka afduubtay Saraakiishii Faransiiska Denis Allex iyo Sarkaal kale oo baxsaday kadibna wuxuu ku biiray Shabaab. Isla sanadkaas ayuu u baxsaday kenya, sidaasi waxaa xaqiijiyay Afhayeenkii Xisbul Islam Mr Caydaruus. - Sanadkii 2010 ayuu Mahad Xamarow ku tegay tahriib South Africa , sidaasi waxaan ogaanay baarista , sidoo kale waxaa noo sheegay Mohamed Isse iyo walaalkiis Soomaney oo ku nool Johanesburg South Africa. - Mahad Xamarow walaalkiis Xuseen Xamarow oo ka tirsanaay saraakiisha ugu sareeysay burcad badeeda Somalia ayaa u yeeray sanadkii 2011 kadib markii burcad badeeda uu Lacag badan ka helay markabkii Saliida ee Saudi Arabia laga lahaay.

Markabkaas wuxuu Xuseen Xamarow ka helay 10 Milyan oo dollar. sida uu xaqiijiyay Abdulqadir Mohamed Abdi Afweyne oo ah wiil uu dhalay Gudoomiyahii burcad badeeda.

Sanadkii 2011 ayuu Mahad Xamarow ku laabtay Somalia gaar ahaan Xarardheere, wuxuu ku biiray Burcad badeedii. 

Mahad Xamarow sanadkii 2012 ayuu ka qeybgalay afduubka Wariye heystay dhalashadda Mareykanka iyo Germany Michael Scott Moore, isla sanadkaas wuxuu dilay rag badan oo uu ka mid ahaay Mohamed Abdullahi Mohamed oo loo Yaqiin Mohamed Weershe Falane ama Mohamed Duceysane una Dhashay Yabar dhawrakace, Ceyr Habargidir sida ay Sunatimes.com u sheegeen Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Galmudug Mr Abdi Madoobe oo ku xiran Mareykanka iyo Gabadha uu Ninkeeda dilay oo lagu magacaabo Khadiijo Cali Saciid Cigaal.

Mohamed Falane wuxuu ilaalo u ahaay Sahra Miig oo aheyd Khaatwale Saleebaan u dhalatay. uuna qabay Axmed Sayruuq.

Markii uu Xarardheere ku dilay Mohamed Falane , uuna afduubtay Michael Scott Moore sanadkii 2012 ayuu qaatay baasaboor Somali isla sanadkii, wuxuu tegay Johanesburg. Waxaa laga celiyay Johnsburg Airport, Somalia ayaa lagu celiyay.

Sanadkii 2013 ayuu mar kale South Africa ku galay tahriib, wuxuuna markiiba isku dhiibay inuu yahay Ethiopian isagoo isticmaalay magać aan aheyn kiisa runtaa.

South Africa wuxuu ka qaatay dukumiintiga qaxootiga [Travel document South Africa], wuxuuna sheegtay dhalasho Ethiopian inuu yahay. Waana dukumiintiga uu Mareykan ugu tahriibay.

Baasaboorka waxaa ugu qoran: 

Name: Baartman Sylvester Eugene , Date of birth 24 Sept 1987, Passport No: A09494059.

Baasaboorka waxaa la soo saaray 3 November 2021, wuxuuna dhacayaa 2 November 2031.

Markii uu Mareykanka galay November 2021 wuxuu isku dhiibay magaca Mahad ibrahim Maxamud., taariikhdiisa dhalashadu tahay 27 March 1989.



Baasaboorka uu ku tahriibay Mahad Ibrahim Maxamud oo lagu faafiyay Social Media ayuu qirtay, wuxuuna sheegay inuu isaga leeyahay baasaboorkaas uu ku qoran yahay magaca Baartman Eugen.

Warar hoose oo laga helay dilaaga , afduubaha Somalia Mr Mahad Maxamud ayaa sheegaya inuu Canada u baxsanayo.

Dhalinyaradda beesha uu ka dhashay ee Saleebaan Habargidir ayaa Waagacusub Media u sheegay inuu Mahad Maxamud oo loo yaqaan baraha bulshadda Garyaqaan ka helay garab iyo lacag nin la yiraa Hassan Hared Ali Fonge oo iska leh Shirkadda Hared Trucking LLC.

Ninkaan iyo walaalkiis ayaa lagu eedeeyay iney dib u maalgelinayaan burcad badeeda Somalia .waxaana degaanka Xarardheere tegay Dhegacade Hared Ali Fonge oo degan Magaaladda Seattle Washington ee dalka Mareykanka sida ay muujinayaan sawiro uu ku soo galay.

By Dahir Alasow

[email protected]


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...