TOPNEWS:- Qaraxyadda ku wajahan Muqdisho iyo amni darada -NISA ?

0
Wednesday August 21, 2024 - 19:29:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1693
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    TOPNEWS:- Qaraxyadda ku wajahan Muqdisho iyo amni darada -NISA ?

    Burburka Hay'adda Sirdoonka NISA maxaa u sababa ? Xogtaan waa taxane kuu muhiim ah oo cadeeynaya halista Amniga dalka galay !! -iscasilaadda 11/8/2024 Agaasimihii Sirdoonka Arimaha Dibada Gaashaanle sare Cabdullahi Cumar Cadaw -Feejignaanta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burburka Hay'adda Sirdoonka NISA maxaa u sababa ? Xogtaan waa taxane kuu muhiim ah oo cadeeynaya halista Amniga dalka galay !! -iscasilaadda 11/8/2024 Agaasimihii Sirdoonka Arimaha Dibada Gaashaanle sare Cabdullahi Cumar Cadaw -Feejignaanta Muqdisho, qaraxyadda la filaayo ee la qariyay iyo qaraxii maanta dhacay !! Xaaladda Sirdoonka NISA. -Guud ahaan xaalada Amniga dalka ayaa noqday mid cabsi badan. -Villa Somalia ayaa gashay feejignaan iyadoo habeenkii la damiyo leeyrka , iftiinka Madaxxtooyadda. - Xeeyndaabka Adan Cadde Airport ayey ku wajahan yihiin qaraxyo la hubo. Amni xumada taagan waxaa u sababa Shaqadii Siroonka NISA [HSNQ] oo xaalad jahawareera galay. Gudaha HSNQ NISA waxaa ka jira xaalado isbiirsaday taas oo meesha ka saartay shaqadii Xuuraan ee laga rabay Sirdoonka Somalia ? waxaana arrimahaan ugu waaweyn ?
1- Sirdoonka Somalia ma helin dhaqaale lagu maareeyo ilaha Sirdoonka ee ka soo warbixin jiray gudaha cadawga mudda afar bilood ah. iyadoo aan wax xoga laga heli karin dhagarta cadawga Al-Shabaab u maleegayaan.
2: Shaqadii NISA HSNQ waxaa faragalin xoogan Ku haayo Xafiiska Amniga Qaranka Gaar ahaan Ninka Lagu Magacaabo Cabdullahi Cabdiraxman loo yaqaan Surwaal weyne Ex Dir kaas oo Taliye Sanbaloolshe u raacay Safarkii Afaraad UAE, Saudi Arabia, Kenya Masar  
Mr Surwaal weyne wuxuu aad u carqaladeeyay hanaankii Sirdoonka Arrimaha Dibadda taas oo sababtay Inuu iscasillo  11/8/2024  Agaasimihii Sirdoonka Arimaha Dibada Gaashaanle sare Cabdullahi Cumar Cadaw Ex Abgaal/harti Abgaal Kaas oo soo maamulayey Shaqadaas Muddo 12 sano lehna qibrad aad u fog.


3: Xafiiska Amniga Qaranka ayaa doonaya in uu fulliyo qorshe lagu doonayo In lagu dumiyo dhaamaan Qaab dhismeedka HSNQ loona guuro mid uu ka soo shaqeeyey Cabdulaahi Cabdiraxman Surwaal weyne taas oo looga gol leeyahay in lagu ceyriyo dhamaan Saraakiishii Qibradda u laheyd Arrimaha Sirdoonka , Gorfeynta , Dabagalada, Maamulka iyo Hawlgallada NISA.
4: Dhamaan xilalka Hay’ada waxaa loo kala qeybsady qaab Siyaasadeed ayadoo Xildhibaanada qaar loo balanqaaday in la siin doono Boosas Bisha nagu soo Wajahan Gudaheed Badalkeedana ay ka difaacaan Golaha shacabka HSNQ.
5: Magacaabisyo ku Saleysan Qaab Reer gaar ahaan dhawr Xil oo loo Magacaabay Beesha Xawaadle Gaar ahaan Cali Madaxweyne
 Dadka la magacaabey waa sidatan.
   A: Cabdiraxman Cabdulle Cismaan (Baraxaw) Ex Alshabaab kana yimid dhamadka sanadkii 2023 ,Loo magacaabey  TALIYAHA CIIDAANKA DUUFAAN.
B: Deeq Abuukar ,Xawaadle ,Cali madaxweyne. Taliye xigeenka Garoonka Aadan Cadde Waa waardiyihii hore ee Dabageed xataa Aan ka tirsaneyn Xubnaha NISA HSNQ Mana Waafaqsanna Magacaabistiisa Sharciga NISA ,HSNQ ,Waana ruux Ka Ganacsada Hubka lana Doonayo inuu ka fududeeyo Garoonka soo dejin iyo dhoofin intuba.

C:  Cabdulahi Muuse Siyaad (Sandheere) Taliye Xigeenka Bar kontaroolada laga soo galo Garoonka Aadan Cadde
E: Cali Maxamed Hassan Aka Cali Macalin TALIYAHA AMNIGA HABAR KHADIIJO
D: Hub Aruursi Ama Iibsasho Hub Gaar ah uu ku hawlan yahay Taliyaha NISA Mr Sanbaloolshe, loona Daabulaayo Gobolka Hiiraan.
G: Qorista Ciidama Cusub Oo u badan Hal Reer Gaar ah Xawaadle.
LA SOCO QEYBTA 2-AAD EE TAXANAHA 
By Dahir Alasow
Investigative Journalist




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...