
Xiisadda iyo isbedelka Siyaasadda.
Kooxdaan Heritage waxey qalqal iyo cabsi ku rideen Xisbiga xulufadda Xasan Sheekh.
5- Hassan Ali Khaire iyo xulufadiisa adag waa aamusan yihiin waxaana sabab looga dhigay iney Wasiiro badan ku leeyihiin xukumadda sida Xoosh, Maareeye iyo Bidhaan.
6- Raysulwasaarahii hore Mohamed Hussein Rooble oo la rumeeysan yahay inuu yahay hogaamiye shacbiyad badan ayaa si toosa ugu biiray Mucaaradka,taas oo meesha ka saartay ballantii ay wada galeen Madaxweyne Xasan ee dhigeeysay inuu ku taageero Musharaxnimadiisa Rooble marka xilka u dhamaado Xasan.
7- Korneylkii fulin jiray dilalka ugu badan Muqdisho Korneyl Abdullahi dheere [Ogaadeen] oo ka tirsanaay NISA kuna eedeeysan inuu ahaay maskaxdii khaarijisay Ikran Tahliil iyo Xildhibaan Abdullahi Kulane ayaa tegay Garowe ,waxaana safarkooda ku jira shaki badan.
8- James Swan ayaa warqad u qoray Madaxweyne Xasan , wuxuuna weydiistay inuu jawaab cad ka soo saaro qorshahiisa doorashadda ka hor bisha April.
Haddii Xasan Sheekh ku soo jawaabo si aysan ku qancin beesha Caalamka waxaa dalalka Carabta la fari doonaa iney fasaxaan lacagaha taageeradda Mucaaradka.
9- Gollaha shacabka ayaa olole ugu jira mooshin xilka qaadis Raysulwasare Xamze , waxaana la rumeeysan yahay inuu Madaxweyne Xasan ka war qabo qorshaha socda laakiin dhinaca kale waxaa jira isku shaandheeynta gollaha Wasiiradda.
10- Raggii Habargidir ee Xisbiga UPD waxey Madaxweyne Xasan weydiisteen in Musharaxa Xisbiga UPD ee Duqa Muqdisho laga dhigo Abdurahman Odowaa , haddii uu diido Madaxweynaha waxey u muuqataa iney kala tegayaan.
By Dahir Alasow
Xiisadda iyo isbedelka Siyaasadda.
1- Mucaaradkii badankood waxey ku biireen Himilo Qaran , dhamaan Xildhibaanadii Jubbaland iyo Puntland . 2- Labadii qabiil ee ugu awooda badnaay Abgaal ? Harti Abgaal iyo Daud waxey taageereen Sheekh Shariif. 3- Xubnahii Habargidir iyo Daarood waa