Dunida Cadaalad Waa Ka Dhamaatay! W Q Dahir Alasow

0
Wednesday June 18, 2025 - 00:15:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dunida Cadaalad Waa Ka Dhamaatay! W Q Dahir Alasow

    Xorriyadda hadalka iyo xuquuqda aadanaha oo ah tiirarka nolosha casriga ah ayaa si joogto ah hoos ugu sii dhacaya. Heshiisyadii caalamiga ahaa ee lagu dhisay Qaramada Midoobay si loo ilaaliyo sharafta bani'aadamka waxay u muuqdaan kuwo meel iska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xorriyadda hadalka iyo xuquuqda aadanaha oo ah tiirarka nolosha casriga ah ayaa si joogto ah hoos ugu sii dhacaya. Heshiisyadii caalamiga ahaa ee lagu dhisay Qaramada Midoobay si loo ilaaliyo sharafta bani'aadamka waxay u muuqdaan kuwo meel iska fadhiya – aan dhaqan iyo waxtarba lahayn.

Diimaha la ixtiraami jiray waxaa lagu tumanayaa. Xeerarkii ilaalin jiray xorriyadda cibaadada iyo ixtiraamka aragtida diimeed waxay noqdeen hadal ku kooban buugta. Waxaa la arkayaa sida sharciyadaasi loogu xadgudbayo maalinba maalinta ka dambeysa.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu si cad u muujiyay in uu doonayo awoodo la mid ah kuwa hogaamiyeyaasha kali-taliska ah sida Putin ee Ruushka iyo Kim Jong Un ee Waqooyiga Kuuriya. Tani waa digniin laga dareemi karo jihada uu doonayo inuu Maraykanku u leexdo, taasoo khatar ku ah dimuqraadiyadda.

Dhanka Soomaaliya, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu si dadban u muujiyay inuusan ka tagaynin xukunka. Waxaa laga weriyey isagoo leh:

"Haddii aan ogahay inuu Farmaajo sidaan Hawiye uga tagrifali karo, walaahi kama degeen xukunka.

Hadalkan wuxuu cadeeynayaa damac muddo dheer ah, isagoo qorsheynaya inuu xukunka sii haysto ugu yaraan 20 sano. Tani waxay cabsi gelinaysaa shacabka Soomaaliyeed oo horey ugu tabaalaysnaa hogaan aan lahayn xisaabtan iyo daahfurnaan.

Nolosha shacabka Soomaaliyeed maanta waa mid aad u liidata.

  • Shaqo la'aan baahsan ayaa heysata dhallinyarada.

  • Qoysas badan ma haystaan nolol aasaasi ah.

  • Caafimaadka iyo waxbarashada waa kuwa qaali ah oo aan la heli karin.

  • Dad badan xitaa biyo nadiif ah ma haystaan.

Waxaa intaas ka sii daran in kumanaan barakacayaal ah lagu dul nool yahay Muqdisho, kuwaasoo markale guryahooda laga burburiyay si loo siiyo dhul lagu dhisto danaha siyaasiyiin gaar ah.

Siyaasiyiinta Soomaalida waxay ka doodayaan xilalka iyo sida loo kala qeybsanayo hantida Qaranka. Ma jiraan wax qorshe ah oo cad oo la horgeeyay shacabka si loo xalliyo dhibaatooyinka ay la daalaa-dhacayaan danyarta Soomaaliyeed.

Waa waqtigii la lahaa: Ku filan waa ku filan!
Shacabka Soomaaliyeed iyo ummadaha caalamkaba waa in ay istaagaan oo codkooda kor u qaadaan si ay u difaacaan cadaaladda, xorriyadda iyo xuquuqda aadanaha ee loola dagaalay qarniyo.


Fariintan waxaa qoray: Dahir Alasow
Tifaftiraha Waagacusub Media
www.waagacusub.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...