
Eedeysane Amiin Baraale oo loo xiray jirdilka xaaskiisa Kaaho Maslah
Sawirka eedeysanaha ayaa lagu baahiyay barta rasmiga ah ee Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir, Mahdi Omar (Moalim Mahdi), oo xaqiijiyay in eedeysanaha la soo xiray lana horkeeni doono maxkamadda awoodda u leh.
Faahfaahin:
- Eedeysane: Maxamed Cabdullahi Cali
- Dhibbane: Kaaho Maslah
- Falka lagu eedeeyay: Jirdil si naxariis darro ah loo beegsaday wejiga Kaaho Maslah, oo sababay dhaawac culus, dhiig-bax, nabarro qoto dheer, iyo baahi degdeg ah oo qalliin dib u habeyn wejiga ah (facial reconstruction).
- Goobta xariga: Deyniile, Gobolka Banaadir
- Jawaabta Boliiska: Booliiska ayaa xaqiijiyay in Maxamed Cabdullahi Cali xiran yahay, islamarkaana lasoo taagi doono maxkamad.
Ujeeddada Falkan Foosha Xun:
Wararka la helayo waxay sheegayaan in eedeysanaha uu qorsheeyay weerarka kadib markii ay Kaaho ku guuldareysatay in ay u xareyso visa dib-u-mideynta qoyska (Family Reunion Visa) si uu u tago Netherlands. Waxa uu damacsanaa in uu wajigeeda baabi’iyo si nolosheeda iyo sumcadda qurbaha loogu dumiyo.
Baaq Degdeg ah:
⚖️ Waa in la helo caddaalad dhameystiran – cadaalad aan lahayn laaluush iyo qabyaalad.
???? Bulshada Soomaaliyeed iyo qurbo-joogta waa inay si mideysan u cambaareeyaan falkan, kana shaqeeyaan in Kaaho hesho gargaar caafimaad iyo sharci.
???? Kaaho Maslah waxay si degdeg ah ugu baahan tahay gargaar caafimaad, nafsi, iyo kaalmo sharciyeed, iyadoo weli ku jirta xaalad halis ah.
Sii Faafi – Ka Noqo Codka Kaaho:
#JusticeForKaahoMaslah
#NoMoreViolence
#StopGenderViolence
#Caddaalad
#SomaliWomenDeserveJustice
#KaahoMaslah
Eedeysane Amiin Baraale oo loo xiray jirdilka xaaskiisa Kaaho Maslah
Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Booliiska degmada Deyniile, ayaa gacanta ku dhigay Maxamed Cabdullahi Cali, oo loo haysto jirdil culus oo uu u geystay xaaskiisa, Kaaho Maslah, oo ah muwaadinad Dutch-Somali ah oo 27 jir ah kana t