Falanqeyn: Waraysiga Gabadha Aakhiro kasoo laabatay – Kaaho Maslah

0
Wednesday July 23, 2025 - 04:24:13 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1301
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falanqeyn: Waraysiga Gabadha Aakhiro kasoo laabatay – Kaaho Maslah

    Waraysigii ay siisay Dahir Alasow, gabadha dhibbanaha ah Kaaho Maslah, wuxuu si qoto dheer u muujiyay geerida ay ka badbaaday, rabitaanka xoreynta nafteeda, iyo jahwareerka nafsi ee ay la kulantay muddadii ay la nooleyd ninka jirdilka u geystay &ndas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waraysigii ay siisay Dahir Alasow, gabadha dhibbanaha ah Kaaho Maslah, wuxuu si qoto dheer u muujiyay geerida ay ka badbaaday, rabitaanka xoreynta nafteeda, iyo jahwareerka nafsi ee ay la kulantay muddadii ay la nooleyd ninka jirdilka u geystay – Maxamed Cabdullahi Cali.

1. Xaqiiqooyin Muhiim ah oo Waraysiga Ku Jira:

  • "Nin xaqiiqda aqbali karin" ayay ku tilmaantay eedeysanaha, taas oo ka dhigan in xiriirkooda uu ku dhisnaa khiyaano, riyo been ah, iyo culeys maskaxeed.
  • Laba jeer ayuu isku dayay inuu isdilo isagoo ku sugan Nairobi – tallaabo muujineysa buufis nafsi ah iyo hanjabaad khatar ah oo saameyn toos ah ku yeelan karta qofka la nool.
  • Gabadhani waxay sheegtay in ay ninka u xareysay dalab visa UK ah balse uu ku guuldareystay, taasina noqotay salka dhibka – iyadoo isaga ku sawirayay fursad uu Yurub ugu dhoofo.
  • Iyadu waxay ku qanacsan tahay in Soomaaliya nolosheeda iyo ganacsigeeda ay ku filan tahay, taasoo keentay in isfahan la’aan xooggan dhex marto iyada iyo ninka doonayay in Yurub noloshiisa ku badbaadiyo.

2. Qaybta Ugu Naxdinta Badan:

Kaaho waxay sheegtay in garaacista ay ku dhacday si lama filaan ah, xilli ay qorsheynayeen in guri iibsadaan, isla markaana ay saaka u quraacdeen. Tani waxay muujinaysaa in falka jirdilku uusan ahayn kaliya caro degdeg ah, balse uu ahaa mid ay dhici lahayd inuu ku dhamaado dil qorsheysan haddii ay iyadu guriga ku nagaato ama si kale u hadasho.

"Markii uu dareemay in ay go’aansatay iney nolosha isaga ka tagto, wuxuu bilaabay garaacid halis ah. Haddii ay goobtaasi u suurtagelin laheyd, wuxuu heli lahaa waqti uu ka fikiro inuu si ula kac ah u dilo,” ayay tiri.

3. Cadaalad-darro iyo Baaq:

Gabadhani waxay sheegtay in "maxkamad kaliya ay ku kalsoon tahay", iyadoo muujisay in odayaal ay isku dayeen iney arrinta ku xiraan, balse aysan aqbalin. Waxay si cad u sheegtay in ay ogtahay in Soomaaliya aysan si fudud cadaalad ku helin, taasoo laba jeer hadalkeeda ka muuqatay – xanuun iyo rajo la’aan.

4. Digniin Bulsheed:

Kaaho Maslah waxay si geesinimo leh ugu digtay gabdhaha kale Soomaaliyeed in ay ka digtoonaadaan ragga sidan oo kale ah – ragg aan maskax ahaan fayoobayn, jaceyl been ah ku dhisa xiriirka, kadibna nolosha gabadha khatar geliya marka ay dantooda ka waayaan.

Marka la eego su’aalaha qaar ka mid ah dadka bulshada oo leh, "Sideed sanad ula nooleyd nin sidaas ah?” – jawaabta ku jirta hadalkeeda waxay tahay in cabsi, cadaadis, iyo walwal nafsiyeed ay mararka qaar qofka ku adkeeyaan inuu si toos ah uga tago xaalad khatar ah.



Gunaanad:

Waraysiga Kaaho Maslah wuxuu ahaa mid murugo leh, balse dhisaya wacyi. Waxay na tustay halista ragga buufiska iyo yurub u waashay, kuwaas oo gabdhaha u adeegsada sidii dariiq ay kaga baxaan noloshooda burbursan – balse haddii ay dantooda weydaan, gabadhii nolosheeda ayay dhibaateeyaan.

Gabadhan Ilaahay baa badbaadiyay.
Hadda waa waajib saaran bulshada – in cadaalad la raadiyo, codka Kaaho la dhageysto, kana hortagno in gabdho kale la gaarsiiyo heerkaasi xanuunka leh.


#JusticeForKaahoMaslah
#NoToGenderViolence
#GabadhaSoomaaliyeedHakaAamusin
#DilkaHaLaguDabooshoBeen



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...