
Beegsiga Saraakiil isku qabiil ah oo ka socda Ciidanka Xoogga Dalka – Su'aalo culus oo ka taagan qaab-dhismeedka militari
Saraakiil iyo saraar ciidan oo xog-ogaal ah oo ka gaabsaday in magacyadooda la isticmaalo ayaa sheegay in tirada iyo qaabka loo beegsaday saraakiishan u muuqato mid ka badan "isbedel shaqo caadi ah”.
Liiska saraakiisha la beddelay ama shaqada laga saaray
(waafaqsan xogaha gudaha ciidanka)
-
Gaashaanle Sare Axmed Libaax — awooddii ciidan hoos ayaa looga dhigay
-
Gaashaanle Sare Dr. Maxamed Dhungooye — xilkii waa laga qaaday
-
Gaashaanle Sare Shaafici Hirtan — xilkii Madaxtooyada waa laga qaaday
-
Gaashaanle Sare Khaliif Axmed Xaashi — xil loo diiday
-
Gaashaanle Sare Maxamed Daahir — laga qaaday xilkii qaybta 21-aad
-
Gaashaanle Sare Duran Jiis — looma magacaabin wax xil ah
-
Gaashaanle Dhexe Caydaruus — laga qaaday xilkii Danab
-
Gaashaanle Dhexe Sheekh Saciid — looma magacaabin wax xil ah
-
Gaashaanle Maxamed Cabdi Yare — laga qaaday xilkii Madaxtooyada
-
Gaashaanle Sheekeye — looma magacaabin wax xil ah
-
Dhame Cabdiqadar Xogolof — laga qaaday xilkii Gt.25 qaybta 27
-
Labo-xidigle Dr. Cabdirisaaq Walde — loo diiday xil isbitaalka Xoogga
-
Xidigle Dr. Bukhaari — loo diiday xil isbitaalka Xoogga
Sida ay sheegayaan ilo military ah, saraakiishan waxaa lagu beegsaday arrimo siyaasadeed oo la xiriira mowqifkii ay qaateen xilligii gulufkii siyaasadeed ee Farmaajo — taas oo ka dhigaysa dhacdadan mid ka fog "dib-u-habayn shaqo”.
Su’aalaha culus ee ay warbixintu taagan tahay
Isbeddelladan ballaaran ayaa keenay dood xoogan oo ku saabsan cidda dhab ahaantii hormuudka ka ah arintan:
-
Miyuu Madaxweyne Xasan Sheekh ka cabsi qabaa saraakiishan madaxbannaan?
-
Mise Jeneral Odowaa ayaa wali saameyn ku leh shabakaddii Farmaajo oo uu isaga beegsanayo saraakiishii diiday?
-
Maxaa loo waayay nidaam cadaalad ah oo lagu shaaciyo sababaha rasmiga ah ee xil ka qaadista iyo magacaabista?
Xukuumadda iyo Wasaaradda Gaashaandhigga weli jawaab kama aysan bixin.
Saameynta amni iyo mid siyaasadeed
Khabiirro arrimaha amniga ayaa ka digaya in:
-
saraakiil lagu beegsado saldhig qabiil ama siyaasad
-
aded la iska indho tirto khibradooda iyo awoodooda
waxay keeni kartaa: -
niyad jab gudaha ciidanka
-
kala shakki iyo jabnaan amni
-
daciifnimo amni oo fursad siisa kooxaha xagjirka ah
Aamusnaanta Xildhibaanada
Waxaa si weyn loola dhacay in aysan jirin xildhibaan si cad uga hadlay arrinta, inkastoo ay taabanayso saraakiil aad u miisaan culus oo qayb ka ahaa difaaca qaran.
Lama oga in aamusnaantani ka dhalatay:
-
cabsi siyaasadeed
-
heshiisyo hoose
-
ama dano gaar ah
Gunaanad
Ciidanka Xoogga waa hay’ad qaran oo ka sarreysa siyaasadda.
Haddii:
-
xilalka lagu saleeyo dano siyaasadeed,
-
ciidan lagu kala saaro qolo/qolo,
-
awoodda laga saaro saraakiisha madaxbannaan,
waxay dhaawici doontaa kalsoonida shacabka iyo awoodda difaaca qaran.
Haddii arrintani aan si degdeg ah loo xallin, waxay noqon kartaa cashar halis ah oo horseeda in ciidamada Soomaaliya lagu hago siyaasad halkii laga ilaalin lahaa dalka.
W/Q: Dahir Alasow — [email protected]
Warbixin Gaar ah — Waagacusub Investigative Report


0 

Beegsiga Saraakiil isku qabiil ah oo ka socda Ciidanka Xoogga Dalka – Su'aalo culus oo ka taagan qaab-dhismeedka militari
Waxaa bilooyinkii ugu dambeeyay gudaha Ciidanka Xoogga Dalka ka socday dhaqdhaqaaqyo ballaaran oo lagu beddelayo saraakiisha hoggaanka iyo kuwa dhexe, kuwaas oo qaarkood laga qaaday xilalkii ay hayeen halka qaar kalena aan wax xil ah loo magacaabin m