[Topnews:-] Qorshaha baarlamaanka -qiyaanadda dahsoon iyo tiradda Xildhibaanadda wada Mooshinka?

0
Saturday September 09, 2017 - 06:22:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 11213
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 1
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Qorshaha baarlamaanka -qiyaanadda dahsoon iyo tiradda Xildhibaanadda wada Mooshinka?

    Waagacusub.com - Seddexda kulan ee ugu horeeya baarlamaanka waxaa lagu dhageeysan doonaa kiiska Cabdikariim Qalbi dhagax oo loo gacangeliyay Cadawga Ethiopia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Seddexda kulan ee ugu horeeya baarlamaanka waxaa lagu dhageeysan doonaa kiiska Cabdikariim Qalbi dhagax oo loo gacangeliyay Cadawga Ethiopia.

Guddiyadda baarlamaanka ee xaquuqul insaanka iyo cadaaladda ayaa laga sugayaa iney soo cadeeyaan iney Xukumadda Farmaajo gashay dimbi ciqaabtiisu tahay qiyaano Qaran.

Wejigga koowaad dagaalka waa looga adkaaday Xulufadda Farmaajo iyo Kheyre maxaa yeelay waxeey ku guuldareeysteen iney joojiyaan in kulanka baarlamaanka lagu furo dacwadda Cabdikariim Qalbi dhagax.

Guddigga ku shaqadda leh kiiskaas ayaa aqbalay in kala fadhigga baarlamaanka ee ugu horeeyo looga doodo kiiska Qalbi dhagax.

Mooshinka cusub ee xil ka eryidda Ra’isulwasaare Kheyre waxaa daaha gadaashiisa ka taagan Xildhibaano boqol iyo jajab ah kuwaas oo ka soo kala jeeda qabiiladda laakiin haddii aan xuso beelaha Soomaaliyeed iyo Xildhibaanadda codadkooda lagu kalsoon yahay waa sidaan:-

1- Xildhibaanadda Hawiye ee taabacsan Mooshinka Kheyre lagu ridaa waxeey dhan yihiin 39 Xildhibaan.

2- Xildhibaanadda Daarood ee aqbaay mooshinka Kheyre afka ciidda loogu gelinaa waxeey dhan yihiin 42 Xildhibaan kuwaas oo u badan Absame, Dhulbahante, Leelkase, Carab Saalax,Majeerteen, Awrtable iyo Warsengeli.

3- Xildhibaanadda beesha DIR ee taabacsan in xukunka laga tuuro Ra’isulwasaare Kheyre waxeey dhan yihiin 40 Xildhibaan.

4- Xildhibaanadda beelaha Digil iyo Mirifle ee qadiyadda xilka qaadista Kheyre taageersan waxeey dhan yihiin 33 Xildhibaan inta la hubo maxaa yeelay 25 Xildhibaan waxaa watay Shariif Sakiin oo olole ugu jira inaan xafiiska laga eryin Ra’isulwasaaraha.

5- Beelaha .5-ka loo yaqaan ama Other waxaa la hubaa oo codad laga helayaa 15 Xildhibaan kuwaas oo qadiyad ahaan aaminsan in shaqadda laga eryo Ra’isulwasaaraha.

Isku darka xisaabtaan waxeey noqoneysaa 169 Xildhibaan codadkooda taas oo aad uga badan codadka loo baahan in lagu rido Ra’isulwasaaraha oo ah 131 Cod.

Ugu yaraan todobo maalmood waa socon doonaa Mooshinka maxaa yeelay waxaa la dhisayaa guddiyaddii kala duwanaa ee ololaha, sidoo kalena baarlamaanka waxaa jaanis loo siinayaa iney sharciyan baaris ku sameeyaan falka foosha xun ee Xukumadda Farmaajo ku kacday.

Todobaadka xigga waxaa la gudda geli doonaa in cod loo qaado kalsooni kala laabashadda Ra’isulwasaaraha.

Haddii Ra’isulwasaaraha xilka laga qaado waxeey baarlamaanka u gudbin doonaan Maxkamadda in cadaaladda la horgeeyo Ra’isulwasaaraha iyo golahiisa Wasiiradda si ay uga jawaabaan sababta ay Sarkaal ka tirsan Ciidanka xooga dalka Somalia ugu gacan geliyeen Ethiopia.

Ugu dambeeyn Xildhibaanadu waxeey qorsheeynayaan iney Madaxweynaha u diraan warqad ay uga dalbanayaan inuu raaligelin buuxda ka bixiyo falka foosha xun ee lagu afduubay Cabdikariim Qalbi dhagax sidoo kalena ku soo celsho dalka mudo 14 maalmood ah.

Haddii Madaxweynaha ka dhega adeeggo amarka Xildhibaanada waxaa lagu sameeyn doonaa xilka qaadis qiyaano Qaran.

By Dahir Alasow


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...