[Topnews:-] Ra'isulwasaaraha Farmaajo oo Galmudug ka joojiyay lacagaha la siiyo bil walba maamuladda ?

0
Thursday September 21, 2017 - 07:54:32 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3847
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 2 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Ra'isulwasaaraha Farmaajo oo Galmudug ka joojiyay lacagaha la siiyo bil walba maamuladda ?

    Waagacusub.com - Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa markii ugu horeeysay sheegay inaan laba bilood la siin maamulka Galmudug lacagtii gunnadda ee Dowladda Federalka siin jirtay taas oo aheyd bil walba boqol iyo konton kun oo dollar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa markii ugu horeeysay sheegay inaan laba bilood la siin maamulka Galmudug lacagtii gunnadda ee Dowladda Federalka siin jirtay taas oo aheyd bil walba boqol iyo konton kun oo dollar.

"Bankiga dhexe markaan weeydiinay waxeey nagu dhaheen Ra’isulwasaaraha wuxuu nagu amray inaan maamuladda kale oo dhan siino lacagaha gunnadda laakiin la joojiyo lacagta Galmudug la siiyo”  ayuu yiri Madaxweyne Xaaf oo sheegay ineysan Galmudug magan iyo marti u aheyn Xasan Cali Kheyre.

Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa go’aanka uu ku joojiyay gunno lacageedkii Galmudug lagu sheegay qeyb ka mida dagaalka uu kula jira dadka u dhashay beesha Habargidir .

Mudadii uu xafiiska joogay Ra’isulwasaaraha u dhashay beesha Murusade wuxuu beesha Habargidir kula kacay takoor iyo bartilmaameedsi gaara ,isagoo lacag dhan laba boqol kun dollar ku bixiyay in la toogto sifo aan sharci aheyn Askari si kamma ku dilay Wasiirkii hoowlaha guud Allaha u naxariistee Cabaas Siraaji ,halka Xasan Cali Kheyre lacag mag ah ka bixiyay wiil u dhashay beesha Murusade oo kibir ku dilay Xoghayahii Maxkamadda sare Mr Cabdifitaax.

Xasan Cali Kheyre oo la rumeeysan yahay inuu ka dambeeyay weerarkii lagu laayay beeraleeydii rayidka beesha Habargidir ee Bariire  ,wuxuu uga jawaabay Jees jees mar la weeydiiyay xasuuqaas.

Inkastoo Ra’isulwasaaraha Farmaajo oo xilal ka xayuubin iyo shaqo ka eryid, xiritaan sharci daro ah kula kacay dhamaan masuuliyiintii iyo shaqaalo hoosaadyaddii beesha Habargidir u dhashay haddana wuxuu todobaadkii hore amray weerar lagu xasuuqay Caruur iyo hooyooyin u dhashay beesha Habargidir kuwaas oo Ciidan beeleed u dhashay beeshiisa Murusade ay ku laayeen degaanka Haanta dheer ee Jaamacadda Gaheyr degmadda Hodan Muqdisho.

Dhalinyaro u dhalatay beesha Habargidir ayaa dagaal faraha looga gubtay la galay Maleeshiyaddii shaarka dowladda xirnaay ee beesha Murusade ,wuxuuna weerarkaas noqday ‘JABKII IYO FASHILKII FARMAAJO IYO KHEYRE” kadib markii askartoodii laga dhigay kuwa la dilay iyo kuwa nolosha lagu qabtay.

Sikastaba ha ahaatee, Madaxweyne Farmaajo ayaa wacay Madaxweynaha Galmudug xilli uu safar ku joogay Nairobi laakiin Madaxweyne Xaaf ayaa telefoonkii gacanta ka xirtay isagoo maalin kadibna ka degay Emirate-ka Carabta halkaas oo uu kaga dhawaaqay iney Galmudug si rasmiya u taageersan tahay Saudi Arabia iyo Emirates.

By Dahir Alasow


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...