Diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo ku dhawaaday hawada Waqooyiga Kuuriya iyo digniin laga bixiyay

0
Sunday September 24, 2017 - 12:53:19 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1981
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo ku dhawaaday hawada Waqooyiga Kuuriya iyo digniin laga bixiyay

    Diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo ku dhawaaday hawada Waqooyiga Kuuriya iyo digniin laga bixiyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo ku dhawaaday hawada Waqooyiga Kuuriya iyo digniin laga bixiyay

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee wax duqeeya ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaday meel ku dhow Xeebaha Bari ee Waqooyiga Kuuriya, iyadoo tan ay sii xoojineyso xiisada ka dhex taagan labada dal.

Diyaaradahan ayaa muujiyay xaalad feejignaan ah, hadii ay dhacdo halis kasra oo kaga yimaada Waqooyiga Kuuriya.

Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayaa sheegtay in diyaaradahan ay dul mareen qeybta ugu fog ee dhanka waqooyiga ee ka caagan milateriga labada Kuuriya.

Hase ahaatee Waqooyiga Kuuriya ayaa ku hanjabtay inay qaadi doonto tallaabo naxariis la’aan ah oo ay isku difaacayaan, hadii mar kale Mareykanka uu muujiyo calaamad weerar ah.

Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa sheegtay inay u diyaar garoobeen inay adeegsadaan awood milateri, si loo difaaco dhulka Mareykanka iyo dalalka xulafada la ah.

Labada dal ayaa todobaadyadii u dambeeyay is weydaarsanayay hadalo kulul, oo ka soo yeerayay Hoggaamiyeyaasha labada dal.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...