MADAXWEYNE FARMAAJO DADKA IYO DALKA U TUR EE IS CASIL.

0
Sunday October 29, 2017 - 01:09:01 in Wararka by Mogadishu Reporter
  • Visits: 6350
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 3 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNE FARMAAJO DADKA IYO DALKA U TUR EE IS CASIL.

    ​MADAXWEYNE FARMAAJO DADKA IYO DALKA U TUR EE IS CASIL

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

​MADAXWEYNE FARMAAJO DADKA IYO DALKA U TUR EE IS CASIL

Dalku wuxuu marayaa xaalad halis ah oo qarka u saaran in

uu Alshabaab gacanta u galo. Bishii hore Alshabaab waxay

Bariire ku dileen 40 Askari oo Soomaali ah oo 11 ka mid ah

Kumaandoos tahay.


Loading...

Madaxweyne uma aadan tacsiyeynin

ciidankaas, aaskoodana kama aadan qaybgelin. Maalmo ka

dib Alshabaab Bariire iyo Basra ayey qabsadeen.

Alshabaab waxay gumaadeen in ka badan 400 oo Shacab

ah, intaas ka badana waa dhaawaceen. Burburka hantida

ma aha wax la qiyaasi karo.


Madaxweyne waxay kugu

qaadatay 10 saac ka badan in aad ka hadasho.


Madaxweyne


Ciidankii Xoogga dalka waxay soo faarujiyeen furumihii

dagaalka. Maanta ma jiro Ciidan ka shisheeya Afgooye iyo

Carbiska. Alshabaab xili kasta ayey qabsan karaan Afgooye

iyo Balcad, Muqdishana u soo tilaabi karaan.

Waxaad ciidanka ugu khudbeysay in ay dagaal qaadan,

Afgooyena aad xarun ka dhiganayso, dagaalkana aad safka

hore ka gelayso. Waxaad kaloo sheegtay in aad la hadlayo

Baarlamaanka labadiisa Gole. Taa bedelkeeda waxaad u

baxday safar Debeda ah, maalintii xigtayna Alshabaab

waxay weerareen Afgooye, labo maalin ka dibna waxay

Lafoole ku weerareen Ciidanka AMISOM. Taas waxaa ka sii

daran in Raysalwasaarahiina uu isaga Wasiirka Amniga

Safar u baxeen.


Madaxweyne


Dhacdooyinkii is xigxigay ee bilihii la soo dhaafay dhacayey

midkoodna kama aadan hadal. Sida; Khilaafkii Khaliijka,

Xasuuqii Bariire, dhiibistii Qalbidhagax, Ciidankii Bariire lagu

laayey, Khilaafka Galmudug, iyo shirkii Kismaayo intaba.

Dhinaca kale, waxaa aad u xumaaday xiriirka kaala

dhexeeya Dawlada Goboleedyada. Waxaa la isku fahami la’

yahay arrimaha Siyaasada ,Amniga, Dastuurka iyo

Doorashooyinka.


Taas ayaana keentay in uu baaqday shirkii

Dastuurka oo ay qaadaceen Dawlad Goboleedyada iyo

Gudiga Labada Gole ee Baarlamaanka iyo Gudiga Madaxa

Banaan ee Dastuurka. Waxaa kaloo baaqday shirkii Amniga

kaasoo ay isugu iman lahaayeen Xukuumada Federaalka,

Dawlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamka.


Madaxweyne

Aamuskaaga, muuqaasho la’aantaada iyo masuuliyad ka

cararkaada waxay keentay in la iswaydiiyo cida Dalka

xukunta, xilka iyo masuuliyadana haysa.


Waa banaanyaal in siyaasadii ay jahwareertay, amnigii uu

gacanta ka baxay, qarankana uu halis ku jiro. Si isku mid ah

ayey ugu muuqataa Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha

caalamkaba karti xumida hogaankaaga iyo hooga dadka

haysta ee fadlan Madaxweyne Dalka iyo Dadka u tur ee

iscasil.

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...