[Topnews:-] Dableydii weerartay Hotelka ee la qabtay oo noqday ilaaladda Agaasimaha Sirdoonka iyo qabiiladooda.

0
Sunday October 29, 2017 - 09:33:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 23760
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 3
  • 4 2
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Dableydii weerartay Hotelka ee la qabtay oo noqday ilaaladda Agaasimaha Sirdoonka iyo qabiiladooda.

    Waagacusub.com - Seddex nin oo ka mida dableeydii shalay gashay Hotel Naasahablood2 ayaa nolosha lagu qabtay kadib markii rasaasta ka dhamaatay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir uu ka dhexmuuqdo Zakariye Hersi oo FBI-da Mareykanka mudo raadineysay
Waagacusub.com - Seddex nin oo ka mida dableeydii shalay gashay Hotel Naasahablood2 ayaa nolosha lagu qabtay kadib markii rasaasta ka dhamaatay.

Fadeexado waaweyn ayaa soo ifbaxay kadib markii horjoogaha dableeydaas uu noqday Askari ka tirsan ilaaladda Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Zakariye Ismaaciil Xersi oo u dhashay beesha Mareexaan gaar ahaan reer Dalal.

Seddexda dhagarqabe ee gacanta lagu dhigay ayaa u kala dhashay ,1 Mareexaan, 2, Murusade ,3 Dagoodi iyo kii isku qarxiyay Ciidanka Alpha Group oo u dhashay beesha Murusade gaar ahaan Habar Ceyno.

inkastoo ay Al-Shabaab sheegteen qaraxaas haddana waxaa la ogaaday iney afarta Askariba ka tirsanaayeen Ciidanka Xasilinta Caasimadda iyo ilaaladda gaarka ah ee Sakariye Xersi.

Seddexda nin oo ku lebisnaa dharka Ciidanka Xasilinta ayaa markii la qabtay sheegtay iney Raxanweyn yihiin laakiin baaris la geliyay kadib ayaa seddexdaba la aqoonsaday waloow midkood la yaqaan Aabahiis weli ku doodayo inuu Saleebaan Habargidir yahay ,sida uu Waagacusub u xaqiijiyay Sarkal ka tirsan NISA oo soo qabtay dhagarqabayaasha.

"Waxaan aheeyn afar Askari, waxaa na hogaaminaayey Ninkaan Mareexaan, waxaa is qarxiyay nin naga mida oo beesha Murusade u dhashay” ayuu yiri Askariga u dhashay beesha Dagoodi.

Sikastaba ha ahaatee, seddexda gacan ku dhiigle ayaa saacado kadib la tusi doonaa warbaahinta taas oo ka dhigan fadeexadii ugu weeyneed ee shaaca ka qaaday in qaraxyadda iyo dilalka laga soo abaabulo Villa Somalia maadama ragga la qabtay iyo kan isqarxiyay seddex ka mida u dhasheen beelaha Mareexaan iyo Murusade ,iyagoo dhinaca kalena nin ka mida uu ka tirsan yahay ilaaladda Agaasimaha Sirdoonka Somalia Mr Zakariye Hersi.

By Dahir Alasow


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...