Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu soo Bandhigay Magaalada Muqdisho

0
Monday November 06, 2017 - 15:20:19 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 3408
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu soo Bandhigay Magaalada Muqdisho

    Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu soo Bandhigay Magaalada Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu soo Bandhigay Magaalada Muqdisho

Taliska Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ku soo bandhigay ku dhawaad 20 Qof oo ay ku Eedeeyeen in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab islamarkaana lagu soo qabtay Howlgallo Ciidamada Xoogga Dalka ay ka fuliyeen Goboladda Shabellaha Hoose iyo Shabellaha Dhexe.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay in Raggaan oo gaaraya illaa 15 Dagaalame lagu soo qabtay Howlgallo Ciidanka Milatariga ay ka sameeyeen Degaanada kala ah Daniga ,Basro,Jambaluul, Buulo Barwaaqo  iyo Beerta Shariif Cabdi Naasir oo ka kala tirsan Gobolada Shabeelooyinka.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Bilaabay Howlgallo ka dhan ah Al-shabaab,waxaana Saraakiisha Xoogga ay tilmaameen in Al-shabaab ay ka saari doonaan Goobaha ay ka joogaan Dalka.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...