[Topnews:-] Farmaajo Muxuu ku Mutaystay In Galmudug Lagu Soo Dhoweeyo ?

0
Tuesday January 16, 2018 - 09:30:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3590
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Farmaajo Muxuu ku Mutaystay In Galmudug Lagu Soo Dhoweeyo ?

    Waagacusub.com - Waxaan maalmahan Baraha Warbaahinta Bulshada ka arkaynay Farmaajo oo soo dhowayn aan caadi ahayn loogu sameeyey deegaanada Puntland taas oo lagu fasiri karo in lagu abaal marinayey tacadigii iyo Xasuuqii uu u geystay Beesha Habargidi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Waxaan maalmahan Baraha Warbaahinta Bulshada ka arkaynay Farmaajo oo soo dhowayn aan caadi ahayn loogu sameeyey deegaanada Puntland taas oo lagu fasiri karo in lagu abaal marinayey tacadigii iyo Xasuuqii uu u geystay Beesha Habargidir.
Waxaase iswaydiin mudan sababta keentay in siyaasiyiin iyo madaxda reer Galmudug iskuugu tagaan Galkacyo,Cadaado iyo Dhuusamareeb si ay  soo dhaweeyn ugu sameeyaan Farmaajo. 

Farmaajo wuxuu booqashadiisa u qorsheeyey Puntland. Galmudug waxay u tahay IGU SAWIR uu beesha Caalamka ku tusaa ineysan waxba ka jirin dacwadaha Jaaliyadaha Habargidir ee dibadda ka qoreen iyo inuu shacbiyad xumo ku rido Madaxweyne Xaaf iyo Siyaasiyiinta mucaaradsan si uu dadkiisa uga horkeeno kadibna kaligiis sharafta ka qaado maadama uu hubo inaan qof dambe taageeri doonin Xaaf iyo kuwii la jaalka noqday.
Farmaajo  Wuxuu ku degey Waqooyiga Gaalkacyo, halkaas ayaa loogu yeeray Madaxdii  Galmudug sida
 Xaaf, Qaybdiid, Cabdiweli Gorod, Wasiirkii Arrimaha Gudaha. Sawirada dadka soo dhowaynayana waxee wateen waa Gaas iyo Farmaajo, Calanka Puntland ayaa la daba taagan yahay. Waxaa kaloo is weeydiin mudan , muxuu Farmaajo u qabtay reer Galmudug oo aan ka ahayn:- 

Loading...

1- In uu isku dayey inuu afganbiyo maamulka Xaaf hogaamiye ee Galmudug isaga oo adeegsanaya kooxo u dhashay deegaanka oo calooshood u shaqeystayaal ah.

2- In Dadkoodi ku xasuuqay Bariire ka dibna yiri waa argagixiso ilaa maantana uusan diyadoodii bixin, isagoo meeydkoodiinii kubad ku dul Ciyaaray.

3- Ma Inuu weeraray Hoyga Siyaasi Cabdiraxman Cabdishakuur iskuna dayay khaarijintiisa, isaga oo laayay  dhamaan ilaaaladiis kuna aasay Kabahood ayaga oo loo diiday in eheladoodii la tuso. 

4- Mise wuxuu ku muteystay amarkii uu ku baxshay in loo dhaco guriga Senotor Cabdi Qaybdiid, suuligana loogu dhaco Xaaskiisa, taasoo ah  xadgudub iyo xaqiraad aan geed loogu ganbado laheyn.

Gefafkaas iyo kuwa kale oo badan ayay reer Galmudug ka tabanayaan Farmaajo inta yar oo aan sanadka dhamayn ee uu xilka haayay.

Hadaba Madaxda maamulka Galmudug iyo siyaasiyiinta isku garbiyay soo dhoweeynta Farmaajo ,waxaa laga sugayaa waxeey uga jawaabayaan su’aalaha kore. Maxay u sheegayaan taageerayashaa iyo shacabka reer Galmudug ee lagu yaqaano gobonimada, sharafta iyo cisiga dadnimo. Jawaabta sow maaha 
Waa sharaf disheen dadkiina Soomaalina waxay horey u tiri 
"NIN KU DILAY HOOS KUMA JIIDO”

Cali Aadan Muumin 
Amsterdaam
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...