[Topnews:-] Dowladaha Qatar iyo Iran oo Beelaha Habaryoonis - Dhulbahante iyo Warsengeli u dhisaya maamul ka madax banaan Somaliland iyo Puntland ?

0
Monday January 29, 2018 - 02:12:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 6603
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 4 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Dowladaha Qatar iyo Iran oo Beelaha Habaryoonis - Dhulbahante iyo Warsengeli u dhisaya maamul ka madax banaan Somaliland iyo Puntland ?

    Waagacusub.com - Sirdoonka Dowladaha Qatar iyo Iran ayaa ku mashquulsan sidii goboladda Togdheer,Sanaag iyo Sool looga dhisi lahaay maamul ay ku mideeysan yihiin beelaha Habaryoonis,Warsengeli ,Faqashini, Madhibaan iyo Warsengeli. sida Waagacusub Med

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Sirdoonka Dowladaha Qatar iyo Iran ayaa ku mashquulsan sidii goboladda Togdheer,Sanaag iyo Sool looga dhisi lahaay maamul ay ku mideeysan yihiin beelaha Habaryoonis,Warsengeli ,Faqashini, Madhibaan iyo Warsengeli. sida Waagacusub Media ogaatay.
Maamulka cusub  oo la qorsheeyay in loo bixiyo Togsaso State of Somalia ayaa dhismahiisa loo xilsaaray Siyaasiyiin uu Gudoomiye u yahay Wasiirka qorsheynta Somalia Mr Jamal Hassan oo u dhashay beesha Warsengeli Daarood. sida ay ku xog warameen ila lagu kalsoon yahay oo Villa Somalia ka tirsan.
Wasiir Jamal oo dhawaan safar sahmina ku tegay degaanadda qabiilkiisa ee gobolka Sanaag ayaa la sheegay iney la shaqeeynayaan Agaasimaha Villa Somalia Fahad Yasin iyo Qunsulkii Saudi Arabia u fadhiyey Somalia Mr Siyad Mohamud Shire oo u dhashay beesha Dhulbahante Harti Daarood.
Diblomaasiyiin codsaday inaan magacooda la xigan ayaa ku xog waramay in Wasiir Jamal Hassan uu ka tirsan yahay Saraakiisha Sirdoonka Mareykanka maadama uu weli heeysto American Diplomat Passport ,taas oo ka dhigan inuu weli yahay shaqaale ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Mareykanka.
Diblomaasiyiintu waxeey walaac ka muujiyeen suurtagalnimadda inuu Wasiir Jamal fashiliyo qorshaha maamulka maadama uu yahay Sarkaal u shaqeeya Dowladda Mareykanka oo aysan isku wanaagsaneeyn Iran laakiin Xeeldheerayaasha qaar ayaa aaminsan iney arrimaha nuucaasa xalisay Dowladda Qatar oo xiriir wanaagsan la leh Dowladda Mareykanka.
Iran iyo Qatar waxeey ka cabsi qabaan in Xulufadda Emirate-ka iyo Saudi Arabia qabsadaan Somaliland iyo Puntland maadama halkaas laga siiyay Saldhig Melleteri sidaas darteed ayey go’aansadeen iney maamul balaaran ka dhex dhisaan labada maamul si ay ugu carqaladeeyaan dhaqdhaqaaqyadda Emirate-ka iyo Sacuudiga ka wadaan Berbera iyo Boosaaso.
Dagaalyahanadda Xuutiyiinta Yemen ayaa dhawaan muuqaal ay soo duubeen waxeey ugu digeen Maamulka Somaliland ,inkastoo warar soo baxay ay sheegayaan inuu Madaxweyne Muse biixi ka laabtay heshiiskii Madaxweyne Siilaanyo la galay Emirate-ka Carabta ee Saldhiga Melleteri.
 Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo, Ra’isulwasaarahiisa iyo Agaasimaha guud ee Villa Somalia Fahad Yasin Haji Dahir ayaa sheegay iney Wasiir Jamal Hassan ula saaxiibeen si uu xog wanaagsan uga gudbiyo dhaqdhaqaaqyadooda siyaasadeed, wuxuuna noqday ninka ay siiyaan lacagta ugu badan ,sida uu sheegay Agaasime ku xigeenka Villa Somalia Mr Abdirizak Shoole.
Wasiir Jamal oo horey u ahaay Safiirka Somalia u fadhiya Kenya wuxuu mudo dheer Mr Farmaajo iyo Saaxiibkiis Fahad Yasin ku haayey Kenya , iyagoo shaqsiyan aad uga baqo maadama uu mudo dheer ka soo shaqeeyay Safaaradda Mareykanka ee Kenya.
Sikastaba ha ahaatee ,lamma ogga sababta Dowladda Mareykanka uga qaadi weeysay USA Diplomat Passport maadama uu Jamal Hassan iskaga tegay shaqadii Safaaradooda, uuna ka tirsan yahay Dowladda Federalka Somalia.
By Dahir Alasow
https://alasow.nl
https://www.facebook.com/onderzoekJournalist/
https://twitter.com/DahirAlasow1

Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...