[Topnews:-] Xaaska Farmaajo oo afduubatay Sarkaal Unicef Muqdisho- Dulmiga Xaaskii Cabdullahi Yusuf ?

0
Thursday March 08, 2018 - 03:38:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 11224
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 3
  • 4 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Xaaska Farmaajo oo afduubatay Sarkaal Unicef Muqdisho- Dulmiga Xaaskii Cabdullahi Yusuf ?

    Waagacusub.com - Marwadda Madaxweyne Farmaajo ayaa falkii ugu xumaay kula kacday Masuuliyiin uu ka mid yahay Maxamed Nuur Yalaxoow oo u dhashay beesha Cabdalla Murusade.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Marwadda Madaxweyne Farmaajo ayaa falkii ugu xumaay kula kacday Masuuliyiin uu ka mid yahay Maxamed Nuur Yalaxoow oo u dhashay beesha Cabdalla Murusade.

Marwo Seynab Macalin oo qancineysa Marwadii uu ka dhintay Abdullahi Yusuf , Marwo Xaawo Cirid Yaambe ayaa Ra’isulwasaaraha ku amartay inuu xiro Mr Yalaxoow sidoo kalena waxaa xoog lagula wareegay dhul ay hooyadiis ka dhimatay oo ay isku heeysteen Xaawo Cirid Yaambe tan iyo sanadkii 1994-tii.

Inkastoo falkaani noqday cadaalad daradii ugu xumeeyd iyo awood ku faankii ugu yaabka badnaay ee Marwo Madaxweyne ku kacday 28-kii sano ee la soo dhaafay haddana wuxuu falkaan foosha xun ka marqaati kacayaa in Ra’isulwasaaraha iyo Naagta Farmaajo u adeegayaan danta beesha Daarood iyagoo falal fool xun iyo hanti boob kula kacaya dadka u dhashay beesha Hawiye guud ahaan gaar ahaana xilligaan beesha Murusade.

Maxamed Nuur Yalaxoow oo ah Sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Qaramadda Midoobay ee UNICEF ayaa habeenkii Axadda laga afduubtay gurigiisa ku yaal Muqdisho ,waxaana Isniintii lagu xiray Kunteenar dhexyaal Xarunta C.I.D kadibna shalayto oo Arbaco aheyd ayaa loo gudbiyay Xabsiga dhexe ,iyadoo aan Maxkamad xukumin.

Taliyaha Hay’adda dimbi baarista ee C.I.D -da Muqdisho ayaa sheegay in Maxamed Nuur  loo xiray amar ay bixiyeen Marwo Seynab Macalin iyo Ra’isulwasaare Xasan Cali.

Maxamed Nuur Yalaxoow waxaa lala xiray Abtigiis Isaaq Nuur Duqow iyo Axmed Cali Qanyare oo walaashiis Leyla Nuur Yalaxoow qabo, [Seedigiis].

Sababta loo xiray Maxamed Qanyare iyo Abtigiis iyo seedigiis ayaa yaab leh ?


Loading...

Dhul ku yaal Xaafadda Buula xuubeey ee Degmadda Wadajir ayey isku heeystaan Maxamed Nuur Yalaxoow hooyadiis Fadumo Nuur Duqow iyo Naagta Cabdullahi Yusuf Axmed ka dhintay ee Xaawo Samatar tan iyo sanadkii 1994-tii.

Cabdullahi Yusuf markii uu Madaxweyne noqday wuxuu diiday in awoodiisa loo adeegsado dhulkaas ay naagtiisa dooneyso iney xoog iyo been abuur kula wareegto .

Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud labaduba sidoo kale waa diideen iney dhulkaas u xukumaan Xaawo Samatar.

Maxamed Nuur Yalaxoow hooyadii ayaa geeriyootay sanadkii 2008.

Ganacsade u dhashay beesha Murusade oo iska leh Hotel Dayax lana yiraa Cabdi Cali ayaa Xaawo Cirid Yaambe ka keenay Dubai, isagoo dejiyay Hotel Syl Muqdisho.

Ganacsadahaan oo ka mida maalgeliyeyaasha Ra’isulwasaaraha ayaa ugu hanjabay qoyska reer Nuur Yalaxoow inuu xabsiga dhigi doono dhamaantood,waana ka dhabeeyay.

Xilligii Jeneral Caydiid 1994 ayaa dacwadaan lagu qaaday gurigii Xiireey Qaasim, waxeey Marxuumad Fadumo Nuur Duqow keensatay cadeeyn lahaanshaha dhulka ee saxda ah laakiin nasiibdaro naagta Cabdullahi Yusuf waa keensan weeysay wax dukumiintiya.

Ganacsade Cabdi Cali iyo Marwo Seynab Macalin waxeey qoyskaan Cabdalle Murusade ugu hanjabeen iney Muqdisho ka rarayaan taas oo la yaab noqotay.

Warar hoose waxeey sheegayaan in Ganacsade Cabdi Cali doonayo dhulka guriga ku yaal laakiin tani waa cadaalad daraddii ugu weeyneed .

Dadka waxeey isweeydiinayaan maxaa ka dhalan doono in Naagta Cabdullahi Yusuf loo xir xiro Masuuliyiin u dhashay beesha Hawiye , iyadoo ujeedku yahay in xoog lagu boobo hantidooda ma guurtadda ah.

Sikastaba ha ahaatee, sanadkaan beesha Murusade waxaa ka soo baxay shaqsiyaad ismooday iney yihiin Daarood kuwaas oo inteey Hawiye ka soo gudbeen, soo dileen,soo dhaceen, maantana jooga iney hantidii Murusade u dhacaan Daarood.

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...