[DHAGEYSO:] Siyaasi Nuur Ismaaciil "Waa in la cadeeyaa maqaamka Muqdisho War Culus!

0
Sunday April 22, 2018 - 20:00:36 in Wararka by Sahal Muqdisho
  • Visits: 2030
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [DHAGEYSO:] Siyaasi Nuur Ismaaciil "Waa in la cadeeyaa maqaamka Muqdisho War Culus!

    Waagacusub.com -Nuur Ismaaciil Shiikh oo ka mid ah aqoon yahaanada iyo siyaasiinta magaalada Muqdisho oo wareysi siiyay Idaacadda kulmiye ayaa ka hadlay maqnaanshiyaha maqaamka shacabka ku nool Gobalka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com -Nuur Ismaaciil Shiikh oo ka mid ah aqoon yahaanada iyo siyaasiinta magaalada Muqdisho oo wareysi siiyay Idaacadda kulmiye ayaa ka hadlay maqnaanshiyaha maqaamka shacabka ku nool Gobalka Banaadir.

Nuur Ismaaciil ayaa sheegay in Muqdisho ay ku noolyihiin in kabadan sadax milyan oo qof oo bixiya Canshuurta Dowladda islamarkaana aysan heysan xaquuqdii ay ku lahaayeen Dowladda.

Waxa uu sheegay in aysan Adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo Matalaadda Siyaasadeed ee magaalada Muqdisho waxa uuna Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Gobalka Banaadir uu ka dalbaday in la cadeeyo xaquuqda siyaasadeed ee dadka ku nool gobalka Banaadir

Madaxda Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Ra’iisal Wasaare Xasan Cali khayrre iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowr jeer hadalo ay jeediyeen waxay balan qaadeen in ay heli doonaan shacabka maqaamka Muqdisho matalaadooda siyaasadeed mana jirto ilaa hadda dadaalo socda oo arintaasi ku saabsan.

Hadalka Nuur Ismaaciil sheikh oo ka mid ah siyaasiinta magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmaya iyadoo Dowlada soomaaliya ay shaacisay in 3-dii Bilood ee la soo dhaafay Canshuurta Gobalka Banaadir laga aruuriyay in kabadan afartan iyo laba milyan oo doolar.


Loading...

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...