[Wardegdega:-] Taliyihii Dugsiga Jeneral Gordan oo la afduubtay xilli uu ka dhoofaayay garoonka Muqdisho

0
Tuesday May 08, 2018 - 00:22:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 6184
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Wardegdega:-] Taliyihii Dugsiga Jeneral Gordan oo la afduubtay xilli uu ka dhoofaayay garoonka Muqdisho

    Waagacusub.com - Jeneral. Nur Adan Nur oo loo yaqaan Kabtan Nuur ayaa la xaqiijiyey in 23-kii April 2018 uu Saadaq Joon ka dhex afduubtay Garoonka Aadan Cadde isaga oo dalka dibadiisa ugu safrayey inuu soo booqdo qoyskiisa uuna warqad fasax ka haysta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Jeneral. Nur Adan Nur oo loo yaqaan Kabtan Nuur ayaa la xaqiijiyey in 23-kii April 2018 uu Saadaq Joon ka dhex afduubtay Garoonka Aadan Cadde isaga oo dalka dibadiisa ugu safrayey inuu soo booqdo qoyskiisa uuna warqad fasax ka haystay Wasaarada Gaashaandhiga.

Kabtan Nuur ayaa lagu soo waramay in lagu xiray guri gaar ah iyadoo la soo ogaaday sababta uu Saadaq Joon u afduubtay inay tahay warbixin uu Kabtan Nuur siiyey Guddigii baarayey Weerarkii lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Qaybdiid, warbixintaa uu dhiibay ku sheegay in abaabulka weerarkaasi ay wadeen NISA gaar ahaan Saadaq Joon.

Kabtan Nuur oo ka soo jeeda Beelaha Maamulka K/Galbeed ayaa dad qaraabo la ah oo soo arkay Kabtan Nuur ayaa waxa ay cadeeyeen in jirdil loo gaysatay.

In la sii daayo kabtan Nuur ayaa lagu xiray shuruud ah in uu masuuliyada weerarkii lagu qaaday dusha ka saaro Dawlada UAE iyo Ciidankii ay tababareen UAE ee isaguna uu taliyaha ka ahaa.

Odayaal u tagay Farmaajo ayey ka dalbadeen in la sii daayo Kabtan Nuur lkn Mooge waxa uu sheegay inuusan ogaynba xariga Ninkaa.

Dhinaca kale Odayaashaa oo la kulmay Kheyre ayuu kula balamay in la sii daynayo lkn balantaa waa socon weysay.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...