[Sirculus] Isku daygii dil ee Qalbidhagax+ la kulankiisa Ra'isulwasaaraha Ethiopia +Safaaradda Somalia oo Passport-kii u diiday?

0
Friday June 29, 2018 - 08:56:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4235
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Sirculus] Isku daygii dil ee Qalbidhagax+ la kulankiisa Ra'isulwasaaraha Ethiopia +Safaaradda Somalia oo Passport-kii u diiday?

    Waagacusub.com - Halyeey Cabdikariim Sheekh Muse ayaa laba habeen ka hor ka badbaaday isku day dil oo la qorsheeyay in laga afduubo Hotelkii uu Xabsiga guriga ugu jiray ee Addis Ababa kadibna waxeey Sirdoonka Ethiopia ee Xukumaddii hore qorsheeyeen i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Halyeey Cabdikariim Sheekh Muse ayaa laba habeen ka hor ka badbaaday isku day dil oo la qorsheeyay in laga afduubo Hotelkii uu Xabsiga guriga ugu jiray ee Addis Ababa kadibna waxeey Sirdoonka Ethiopia ee Xukumaddii hore qorsheeyeen iney ku dilaan Xadka Oromadda iyo Somali Galbeed.

Cabdikariim Qalbi dhagax oo Hotel-kiisa degan ayna la joogaan laba Askari oo ilaaladiisa loo xilsaaray ayey u tageen Saraakiil Sirdoon ah oo u dhashay Tigree, waxeey ku wargeliyeen inuu Ra’isulwasaare Abiy Ahmed u soo diray sidaas darteed ayey weeydiisteen inuu raaco ?

Qalbi dhagax ayaa diiday dalabkooda, wuxuuna u sheegay inuusan ka baxeeyn Hotel-ka. waxeey isku dayeen iney xoog ku kaxeeyaan laakiin labadii Askari ee la joogay ayaa hor istaagay.

Saraakiishii Tigreega waa iskaga tageen iyagoo u sheegay iney berri u soo laaban doonaan.

Qalbidhagax ayaa markiiba ka codsaday ilaaladiisa iney u ogolaadaan inuu tago meel kale oo aan aheyn Hotel-ka sidiina ayeyna ku raaceen.

Qalbidhagax wuxuu tegay Guri uu leeyahay nin ay saaxiibo yihiin kadibna waxeey la xiriireen Xafiiska Ra’isulwasaaraha iyagoo ku wargeliyay wixii dhacay.

Sirdoonka reer Galbeedka iyo kuwa Xukumadda cusub ayaa baaris degdega ku dhaqaaqay. waxaa la soo xiray Saraakiishii damcay iney afduubaan Qalbidhagax.

Baarista waxaa soo baxday in Ra’isulwasaare Kheyre iyo Fahad Yasin horey u  tageen Addis Ababa si Xabsiga loogu sii haayo Qalbidhagax laakiin markii ay xaqiiqsadeen inuu Ra’isulwasaaraha cusub ee Ethiopia sii deyn doono ayey qorsheeyeen in la dilo si hadal heeyntiisa u dhamaato ama looga hortago inuu sirta afduubkiisa ka hadlo marka la sii daayo.

Fahad Yasin iyo Kheyre ayaa Safiirka Ethiopia u fadhiya Somalia Kamaludiin Omar  lacag dhan Hal Milyan dollar u dhiibay   , lacagtaas ayuu Safiirka u geeyay  Sirdoonkii hore ee taliyahooda xilka laga qaaday, waxaa Saraakiisha Tigreega lagula heshiiyay iney Khaarijiyaan Qalbidhagax, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha la qabtay ee Tigreega iyo ila wareedyo xog ogaala.

Dowladda Mareykanka oo aaminsaneed inuu Qalbidhagax hor taagnaa in China Ceelal Shidaal ka qodaan Somali Galbeed ayaa si weyn ula socotay kiiska Qalbidhagax, iyadoo Dowladii hore ee Ethiopia ka dhameeysay in Hotel la dejiyo oo lagu ilaalsho.

Ra’isulwasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa subaxnimadii Khamiista soo qoray Warqad uu ku sheegay inuu cafiyay Qalbidhagax sidaas darteedna uu xor yahay.

Cabdikariim Qalbidhagax ayaa la xiriiray Safaaradda Somalia ee Ethiopia laakiin nasiibdaro Safiirka Mohamed Ali Nur wuxuu diiday inuu siiyo baasaboorkiisa si uu Kenya ugu dhoofo.

Ra’isulwasaaraha Ethiopia ayaa ka codsaday Qalbidhagax inuu kulan la yeesho ,sidoo kalena waxaa la filayaa inuu Qalbidhagax la kulmo Gudoomiyaha baarlamaanka Ethiopia , isla maanta xilliga galabnimo.

Lamma ogga arrimaha ay doonayaan iney Qalbidhagax kala hadlaan labada masuul laakiin Qalbidhagax waa nin hal adag oo horey u diiday xilal badan oo la rabay in lagu qanciyo si uu Dowladda Ethiopia ula shaqeeyo.

Sikastaba ha ahaatee xogta waan heli doonaa laakiin waxaa xusid mudan in Qalbidhagax walaalahiis iyo waalidkiis oo dhan Ethiopia dishay.

By Dahir Alasow


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...