[Topnews] Dableeydii weerarka geestay Muqdisho oo si nabadda ku baxay Xog Culus!

0
Sunday July 08, 2018 - 00:07:25 in Wararka by Sahal Muqdisho
  • Visits: 5357
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 4 0
  • Share via Social Media

    [Topnews] Dableeydii weerarka geestay Muqdisho oo si nabadda ku baxay Xog Culus!

    Waagacusub.com-Dableeydii Weerartay dhismayaasha Wasaaradaha arrimaha Gudaha iyo AMniga ee Ote Ote ayaa si nabad ah ugu baxay goobtii aay weerarka ka geesteen sida ilo wareedyo muhiimo inoo xaqeejiyeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com-Dableeydii Weerartay dhismayaasha Wasaaradaha arrimaha Gudaha iyo AMniga ee Ote Ote ayaa si nabad ah ugu baxay goobtii aay weerarka ka geesteen sida ilo wareedyo muhiimo inoo xaqeejiyeen.


Kooxdii soo weerartay halkaasi ayaa waxaa soo galbiyay ciidan ka tirsan Kuwa Xasilinta Caasimada sida sarkaal Sirdoonka Somalia, ka tirsan oo magaciisa qariyay xaqeejiyey, iyaga oo ku soo xareeyay gudaha dhismahaasi oo si weyn loo ilaaliyo.

Kooxda weerarka geysatay ayaa markii aay gudaha soo galeen kadib qarxiyay 2 Gaari oo nooca Saarif (SURV) oo aay wateen kuwaasi oo mid kamid ah gudaha wasaarada ku jiray halka midka kale banaanka aay soo dhigteen taaso keentay in aay gudaha u galaan dableeydii iyaga oo dilay rag wasaaradda ka shaqeeynayay oo bartilaameed u ahaay kadibna si nabada ugu baxay halkaasi.

Ciidanka Xasilinta ayaa si toos ah ugu amar qaata R/wasaare Xasan Cali Khayre, waxaana ka masuula oo loo dhiibay Yaxye Cali Hareeri oo aay qaraabo dhow yahiin R/wasaare Khayre oo Maalmahii ugu danbeeyay muran ka dhaxeeyay Taliyaasha Booliska iyo Nabadsugida.

Dadka weerarka lagu dilay waxaa kamid ahaay Maxamed Axmed Ilka- case kaas oo tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Marxuumkaasi waxa uu mar soo noqday Xoghaynta  Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Dowladdii Madaxweyne Xaan Sheekh Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...