[Topnews:-] Odayaasha dhaqanka Hawiye oo taageeray Madaxweynaha Jubaland - Jawaab dacaayadii fadlan ku shubo.

0
Thursday July 19, 2018 - 05:09:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 8725
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Odayaasha dhaqanka Hawiye oo taageeray Madaxweynaha Jubaland - Jawaab dacaayadii fadlan ku shubo.

    Waagacusub.com - Ugaaska beesha Saleebaan Habargidir Ugaas Cabdullahi Ugaas Faarax ayaa sheegay inuu Madaxweyne Axmed Madoobe mudan yahay in lagu abaalmariyo siduu inta badan Jubooyinka iyo Gedo uga dhigay dhul Nabadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Ugaaska beesha Saleebaan Habargidir Ugaas Cabdullahi Ugaas Faarax ayaa sheegay inuu Madaxweyne Axmed Madoobe mudan yahay in lagu abaalmariyo siduu inta badan Jubooyinka iyo Gedo uga dhigay dhul Nabadda.

Suldaanka beesha Sacad Habargidir ,Suldaan  Abdinasir Jamac Seed  oo khatka telefoonka nagula soo xiriiray ayaa cambaareeyay shaqsiyaad calooshood u shaqeeystayaala oo shalay Muqdisho lagu aruurshay kuwaas oo caayey Madaxweyne Axmed Madoobe.

Suldaan Jamac Seed wuxuu shaqsiyaadkaas ku sheegay kuwa laga dhex hadlay oo aan ku hadli karin magaca beesha Hawiye.

Malaaqa beesha Mantaan Cabdulle ee Xamar iyo Xamardaye ayaa yiri " Shaqsiyaadkii fadlan ku shubo waxeey heleen shaqo, hadda waxeey caaynayaan Madaxweynaha Jubaland  laakiin waxaan hubaa inuu Axmed Madoobe yahay geesi kelya adag oo aan dan ka laheyn dacaayadda la og yahay cidda lacagta ku bixineysa ee ku dhici weeysay iney Jubaland cag dhigto”

Sikastaba ha ahaatee, Odayaasha dhaqanka Hawiye ayaa lagu wadaa iney Shiir Saxaafadeed weyn qabtaan kadibna si rasmiya ugu jawaabaan shaqsiyaad ku hadlay magaca Hawiye balse ah fadlan ku shubo lacag.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...