Ciidamo u Abaabulan qaabka Maleeshiyada Ciraaq oo la wareegay Muqdisho Aqriso warbixinta

0
Thursday July 26, 2018 - 16:08:14 in Wararka by
  • Visits: 4717
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo u Abaabulan qaabka Maleeshiyada Ciraaq oo la wareegay Muqdisho Aqriso warbixinta

    Ciidamo Lamid ah Maleeshiyada Shiicada Ciraaq oo la wareegay Amaanka Moqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo Lamid ah Maleeshiyada Shiicada Ciraaq oo la wareegay Amaanka Moqdisho Ciidamo Militari ah ayaa dhwaan la Wareegay Mas’uuliyada Amniga Magaalada Muqdisho kuwaasi oo hada ka Howgalaya Kontaroolada Caasimada iyo goobaha kale ee amniga magaalada lagala socdo.

Sida ay heshay Warbaahinta Waagacusub.com ciidamadan oo Shacabka Muqdisho  loogu sheegay  Ciidamo ka tirsan ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed isla markaan ay Amniga sugayaan ayaa la Xaqiijiyey inay yihiin Guuto Cusub oo la yiraado Ciidanka Difaaca Dadweynaha oo Madaxweyne Farmaajo uu dhistay 14-kii October sanadkii 2017,xiligaas uu dhacay Xasuuqii Zoobe oo wali cidna aysan masuuliyadiisa sheegan.

Loading...

Madaxweyne Farmajoo ayaa dhamaadkii Sanadkii 2017 waxaa uu bilaabay dhismaha Ciidanka Difaaca dadweynaha kuwaasi uu sheegay inay al-shabaab la dagaalmayaan,bale ciidanka difaaca dadweynaha ayaa la ogaaday inay loo adeegsanayo sidii uu talada u heyn lahaa Xukun Farmaajo.

Ciidanka Difaaca Dadweynaha oo aan waafaqsan sharciga dalka islmarkaana aan ka tirsaneyn Afarta Ciidan ee Qaranku uu leeyahay ee kala ah,Ciidanka Militariga,Ciidanka Nabad Sugida iyo sirdoonka Qaranka,Ciidanka Booliska iyo Ciidanka Asluubta ayaa Madaxweyne Farmaajo waxaa uu usameytay in uu u adeegsado cuburinta Siyaasiyiinta dhaliilsan Hogaankiisa iyo kuwa tartanku uu kala dhexeeyo.

Sida uu qabo Xildhibaan hore Maxamed Cumar Geedi Ciidanka Difaaca dadweynaha ee 

Madaxweyne Farmaajo uu sameystay ay yihiin ciidamo sharcidaro ah islamarkaan aan waaqsaneyn dastuurka iyo Sharuucda dalka ee dhismaha ciidanka qaranka, waligii lagu aqoon jiray 

Marka laga tago ciidankan cusub ee la wareegay amniga Magaalada Muqdisho waxaa jira khilaaf soo xoogan oo ka dhax aloolsan madaxda ugu sareysa dowladda sida madaxweyne Farmaajo Iyo raisal wasare Khayre 

Ciidankan la magac baxay ciidanka difaaca dadweynaha ayaa magac ahaan laga soo min guuriyay maleeshiyo U abaabulan qaab diimeed laguna magacaabo Xashdul Shacab  waxana lagu barakiciyay Sunni yiinta reer Ciraaq 










Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...