[Maamulka G/ Banaadir oo lagu dhaliilay in mugdi Amni xumo] iyo Xaquuq la,aan isagu dareen Shacabka Muqdisho!

0
Friday August 10, 2018 - 02:03:53 in Wararka by Sahal Muqdisho
  • Visits: 1366
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Maamulka G/ Banaadir oo lagu dhaliilay in mugdi Amni xumo] iyo Xaquuq la,aan isagu dareen Shacabka Muqdisho!

    Waagacusub.com-Siyaasiga Nuur Ismaaciil Shiikh oo la hadlay Warbaahinta ayaa Maamulka Gobalka Banaadir,ku dhaliilay in aay ka gaabiyeen howlahii loo igmaday taas badalkeedana ku mashquuleen Arrimo ka baxsan shaqada Gobalka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com-Siyaasiga Nuur Ismaaciil Shiikh oo la hadlay Warbaahinta ayaa Maamulka Gobalka Banaadir,ku dhaliilay in aay ka gaabiyeen howlahii loo igmaday taas badalkeedana ku mashquuleen Arrimo ka baxsan shaqada Gobalka Banaadir.


"Nuur Ismaaciil ayaa sheegay in mar uu soo maray  Wadooyinka Magaalada Muqdisho,  aay ahaayen inta badan kuwo mugdiya hadane Baalleyaal Badan ka taaganyahiin ,kuwaasi oo ku shaqeeya leerarka cadceeda isaga oo tilmaamay’  in wax dayactir aynaan ku sameyn  maamulka gobolka Banaadir oo howshaasi loogu fadhiyay.

Waa nasiib darro shacabka Canshuurta joogtada laga qaado ee Gobalka Banaadir, in magaalo mugdiya ku nooladan iyadoo aay taas u dheer tahay xaquuq la,aan iyo Amni xumo ayuu yiri’ Siyaasiga Nuur Ismaaciil Sheekh.

Maamulka Gobalka Banaadir ee uu Gudoomiyaha ka yahay Cabdiraxman Cumar Cismaan Yariisoow ayuu tilmaamay in shaqadiisa ku soo koobay hadal badan iyo Howlyar ,taaso uu sheegay in aan lagu maamuli Karin Magaalo aay degan yahiin in kabadan seddax malyan oo qof.

Qeybo badan oo ka mid ah magaalada sida waddooyinka halbowlaha u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka ayaa ah kuwo habeenkii mugdi ah, Dadka Muqdisho ayaa sheegay in dhibaato xooggan ay ku qabaan adeegsiga waddooyinka xilliyada habeenkii maadaama waddooyinka ay yihiin kuwo Mugdi ah.

Mugdiga ka jira magaalada Muqdisho habeenkii ayaa sababay in qeybo ka mid ah magaalada dadka looga dhaco taleefoonnada gacanta iyo agabka kale ay wataan iyada oo loogalayo jidadka ay adeegsanayaan.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...