[Topnews:-] DP World oo shaacisay sir culus - qorshaheey ku qabsaneyso dekadaha Somalia

0
Saturday August 18, 2018 - 09:19:33 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4331
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] DP World oo shaacisay sir culus - qorshaheey ku qabsaneyso dekadaha Somalia

    Waagacusub.com - Shirkada DP World ee laga leeyahay dalka isutaga Imaaraadka carabta ayaa sheegtay in mustaqbalka dhow ay hanta doonto dhammaan dekadaha Somalia kuwa gacanteeda ku jira iyo kuwa aan gacanta ugu jirin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Shirkada DP World ee laga leeyahay dalka isutaga Imaaraadka carabta ayaa sheegtay in mustaqbalka dhow ay hanta doonto dhammaan dekadaha Somalia kuwa gacanteeda ku jira iyo kuwa aan gacanta ugu jirin.

Shirkada ayaa tilmaantay inay muhiim u tahay in sharciyadeeda laga hirgaliyo dekadaha si ay u hantiso dhammaan dekadaha Africa, gaar ahaan kuwa Somalia.

Agaasimaha Shirkadda DP World Suldaan Ahmed Bin Suleymaan oo la hadlaayay warbaahinta maxaliga ayaa sheegay inuu wali jiro muran kala dhexeeya dowlada Somalia, hase yeeshee ay mar waliba ka go’an tahay inay hantiyaan Dekadaha ugu muhiimsan ee Somalia.

Waxa uu Mr Suldaan Ahmed Bin Suleymaan carab dhabay in qorshahooda uu ku xeran yahay keliya wadahadal dhexmara Somalia iyo Imaaraadka, waxa uuna meesha ka saaray in Heshiisyada lagu galay maalgashiga Dekadaha Somalia ay ka maran yihiin.

Suldaan Ahmed Bin Suleymaan, waxa uu tilmaamay in Heshiisyada Somalia iyo Ethiopia ee arrimaha maalgashiga Dekadaha ay qeyb ka yihiin hase yeeshee ay muhiim tahay in loo aqoon sado dadaalada ay kawado Somalia.

"Mustaqbalka dhow wey naga go’an tahay inaanu soo gacan galino maamulka Dekadaha Somalia, waayo waa dhif dal ama Shirkad xiligan Somalia ka caawin karta arrimaha Dekadaha”

Suldaan Ahmed Bin Suleymaan, waxa uu tilmaamay in Somalia qudheeda ay garwaaqsan tahay in Shirkada DP World ay ku wanaagsan tahay arrimaha Dekadaha, balse uu jiro khilaafyo mugdi galiyay awooda shirkada ee dhanka Somalia.

Waxa uu agaasimuhu carab dhabay in xal waara ay u heli doonaan khilaafka iyo tabashooyinka Somalia, iyadoo laga duuli doono baahida taagan ee dhinacyada Dekadaha iyo maalgashigooda.

Sidoo kale, Suldaan Ahmed Bin Suleymaan waxa uu shaki galiyay in Ethiopia ay si buuxda isku waafajin karto Heshiiskaiyo howlaha Dekadaha, isla markaana ay u muuqan doonto in DP World loo madaxbaneen doono fursada.

Haddalka Agaasimaha DP World ayaa kusoo beegmaaya xili uu shirkada ka dhamaaday Heshiiska dib loogu dayactiraayay Dekadda Berbera.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...