Xogta Saacadda Apple Watch uu Jamal Khashoggi xirnaa laga helay dilkiisa caddeyn ma u noqon kartaa?

0
Tuesday October 16, 2018 - 22:51:14 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2389
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xogta Saacadda Apple Watch uu Jamal Khashoggi xirnaa laga helay dilkiisa caddeyn ma u noqon kartaa?

    Xogta Saacadda Apple Watch uu Jamal Khashoggi xirnaa laga helay dilkiisa caddeyn ma u noqon kartaa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xogta Saacadda Apple Watch uu Jamal Khashoggi xirnaa laga helay dilkiisa caddeyn ma u noqon kartaa?

Waagacusub.com Wariye Jamal Khashoggi ee la la'yahay ayaa loo badinayaa in la dilay, iyada oo aan la garaneyn sida ay wax uga socdaan gudaha qunsuliyadda sacuudiga ee Istanbul. Inkasta oo ay jiraan macluumaad la helay oo la xidhiidha wariyaha la waayey. Arrintan oo wareer aad u weyn abuurtay.

Bogagga hore ee wargeysyada ka soo baxa Turkiga sida wargeyska Sabah waxay si weyn wax uga qoreen wariyahan la la'yahay halka uu cirib iyo jaan dhigay.

Wargeyska Sabah wuxuu leeyahay marka uu saacaddiisa aqliga badan uu dib u celiyey oo uu dibna u fiiriyey muuqaallada laga soo duubay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, ay u soo baxday in Khashoggi xilliga la baarayey aad loo jirdilay ugu dambeyna la dilay, waxaana loo maleeynayaa in xogtaasi laga helay muuqaal taleefoon iPhone lagu soo duubay oo loo soo diray Khashoggi saaxibtii oo xilligaasi ku sugeysay dibadda qunsuliyadda. 

Warbixintu waxay intaa ku dartay ragga weeraray Khashoggi iney isku dayeen iney baabi'iyaan saacadda Apple oo uu Khashoggi xirnaa xogta ugu duubneeyd, iyaga oo weliba ku qasbay inuu suulkiisa uu ku furo, markay fureen kaddibna xogta ugu duubneyd waa ay tirtireen balse qayb ayaa ku hadhay.

Taleefanka Wariyaha waxaa haysay saaxibtii Hatice Cengiz oo ku sugneyd dibadda QunsuliyaddaLahaanshaha sawirkaAFP/GETTY IMAGES
Image captionTaleefanka Wariyaha waxaa haysay saaxibtii Hatice Cengiz oo ku sugneyd dibadda Qunsuliyadda

Arrimuhu sida ay u dhaceen dhacdooyinka ugu dambeeyey aan ka soo billowno. Saacadda Apple kuma shaqeyso nidaamka taabashada ee faraha taasi suurtagal ma aha, ilaa ay dadka weerarka geystay ay saacadda Khashoggi ku furaan iyaga oo adeegsanaya iPhone uu isagu sitay oo teleefan iPhon ah oo xiriir la leh kan ay gabadha dibadda qunsuliyadda ku hayso.

Wariyaha warbixinta qoray ayaa wuxuu leeyahay waxay ila noqotay ayuu yiri warbixinta arrintan ku saabsan intaan dhinac isaga dhigno aan eegno saacadda uu Khashoggi xirnaa "sida ay wax u duubi karto". Arrintaasina ma aha mid saacadda uu xirnaa u suura galeyso iney wax duubto ilaa meel kale laga hago, iyada oo barnaamijyo kala duduwan oo codka lagu duubo lala kaashan karo.

Marka waxay u badan tahay inuu wariyaha inta uusan qunsuliyaddaba soo gelin oo uu dibadda joogayba inuu barnaamijka codka duuba ee Moobaaylkiisa uu duubitaanka ku sii billaabay.

Balse haddii uu rabo waxa uu duubay inuu taleefankiisa iPhone-ka uu ku keydiyo wuxuu taabanayaa oo keli ah calaamadda 'Jooji' isaga oo aan u baahan inuu wadda kale u maro. Muhiimadduna waxay tahay saacaddiisu si ay moobaaylka xiriir ula sameeyso waxay u baahan tahay Bluetooth uu kula xidhiidho taleefanka ay saaxibaddii dibadda qunsuliyadda joogta gacanta ku hayso.

 
Muuqaal muujinaya Khashoggi oo sii galaya qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul

Haddaba, Bluetooth wuxuu ku shaqeyn karaa masaafa yar. Aniga ayaa tijaabiyey anoo gurigeyga iyo taleefanka aan gacanta ku hayo isku dayay inaan Bluetooth ku xiriiriyo oo aan sidaa heeso ku dhageysto. Balse marki aan u dhaqaaqay dhinaca kale ee gurigeyga waxaa markiba go'day heesti aan dhageysanayey. 

Marka uma badna inuu khadka Bluetooth uu dhowr darbi gadaashood uu ka shaqeeyo iyada oo weliba la garanayo dhismayaasha Istanbul sida ay u dhisan yihiin, xiriirka Bluetooth-ka inuu jirana waxay ku suurageli kartaa oo keli ah Khashoggi saaxibaddii inay taagneyd meel ku dhow qolka lagu baarayey oo jirdilka ama dilka looga geystay.

Dadka qaar ayaa waxay ku doodayaan inuu wariyaha Sacuudiga ee la la'yahay uu xirnaa saacadda Apple Watch 3 isaga oo xiriir u gaar ah u sameystay, isaga oo adeegsanayo nidaamka xiriirinta aaladaha isgaarsiinta ee iCloud.

Apple Watch 3Lahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionKhashoggi waxaa lagu sawiray saacadda Apple Watch 3 "iyada oo badhanka cas la taabanaya"

Haddaba, dhibaatadu ayaa waxay tahay saacadda Apple watch oo kuu xiran markaad timaaddo Turkiga kuuguma shaqeyneyso khadki dibadda ee horay kuugu xiriirsanaa oo waxay u baahaneysaa in aad markale la xiriiriso taleefankaaga iPhone-ka adoo adeegsanaya khadka taleefannada Turkiga. Waana inuu Sim-carka uu isticmaalayeyna uu ku beddelaa kii Turkiga, waxaana halkaasi ka dhalaneysa su'aasha ah dalka Turkiga saacadda noocaasi iney cid walba ka isticmaasho ma laga oggol yahay.

    Marka arrimuhu wey isbeddalayaan. Saacadda Apple internetka toos ulama xiriirin kartid mar haddad joogto Istanbul ilaa aad ku xirtiriiso taleefan iPhone ah oo ku dhow.

    Balse, waxaan garan karin iney laamaha sirdoonka Turkiga ay saacadda Apple Watch 3 ay hawada ka qabteen kaddibna ay Jamal Khashoggi u oggolaadeen una xidhiidhiyeen inta uu Qunsuliyadda Sacuudiga gelinba.

    Isku soo duuboo xaaladdu waxay u muuqataa in ay u badan tahay Turkidu in ay leeyihiin hab kale oo lagu ogaanayo waxa ay sameeynayaan dibloomaasiyiinta ajnabiga ah iyo saacadda Apple Watch waxa ay u qabanayaan intaba.

    xigasho bbc Somali




Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...