[Topnews:-] Mareykanka,Sacuudiga iyo Emirate-ka oo Ethiopia ku taageeraya iney qabsadaan Somalia ?

5
Wednesday November 14, 2018 - 10:08:34 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 5019
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Mareykanka,Sacuudiga iyo Emirate-ka oo Ethiopia ku taageeraya iney qabsadaan Somalia ?

    Dowladaha Mareykanka, Saudi Arabia iyo Emirates ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii Xukumadda Ethiopia u qabsan laheeyd badda Somalia iyo ceelasha shidaalka ceegaago,sida ay Waagacusub.com ugu xog warameen diblomaasiyiin iyo Saraakiil Sirdoon oo reer G

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladaha Mareykanka, Saudi Arabia iyo Emirates ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii Xukumadda Ethiopia u qabsan laheeyd badda Somalia iyo ceelasha shidaalka ceegaago,sida ay Waagacusub.com ugu xog warameen diblomaasiyiin iyo Saraakiil Sirdoon oo reer Galbeed ah.

"Ciidanka Ethiopia dhisatay ee badda waxeey la wareegayaan Dekadda Saylac iyo xeebta dheer ee ku wareegsan” sidaasi waxaa yiri Sarkaal ka tirsan Ciidanka Sirdoonka Eretria.

Saylac waa halka laga dhoofin doono Shidaalka laga helay Somali Galbeed, laakiin farsamadda lagu qabsan doono waa iney Xukumadda Ethiopia abuurto kadibna marmarsiiyo loo sameeyo qabsashadda dekadaas, ayuu yiri Sarkaalka Sirdoonka Eretria.

"Mareykanka,Emirate-ka Carabta iyo Saudi Arabia waxeey marka hore xooga saarayaan iney dhameeyaan colaadda Eretria iyo Ethiopia ,waa xaliyeen dhamaan khilaafkii dhulka , waxaa loo tanaasulay Eretria, laakiin waxaa sidaas loo sameeynayaa in la soo xiro furinta dagaal ee dhinaca Eretria si loogu jeesto qabsashadda Badda Somalia iyo ceelalkeeda shidaal” ayuu yiri diblomaasi reer Galbeeda oo codsaday inaan magaciisa la shaacin.

"Xogtaan heeyno waa mid cad oo aan shaki ku jirin, waxeey Ethiopia dooneysaa iney badda Somalia qabsato, waxeeyna gacan xoogan ka helayaan Mareykanka,Saudi Arabia iyo Emirates” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Sirdoonka reer galbeedka oo diiday inaan magaciisa xigano.

Sarkaalka wuxuu sheegay iney Xukumadda Ethiopia ku mashquulsan tahay dhismaha  Ciidanka badda ee Afrika ugu awoodda badan, adigu isweeydii xagee u socdaan, ma Webiga ayaa bad noqon doona., jawaabtu waa cadahay, waxeey qabsanayaan badda Somalia gaar ahaan xilligaan dekadda Saylac ayey dooneysaa Ethiopia”

"Wax walba kuma bilaaban doonaan in Ciidanka badda Ethiopia xoog ku qabsado badda iyo xeebaha Somalia laakiin qorshaha la dejiyay ayey ku hoowlgelayaan , wado kastana wada hadal ayaa loo marayaa kadibna maalmo ay Somalidu qoomameeyso ayaa imaan doona, waana maalinteey awood ciidan ku maquuniyaan guud ahaan dalka” ayuu yiri Safiir dowlad ka mida kuwa reer Galbeedka u fadhiyay Afrika.

Sikastaba ha ahaatee, Xukumadda Ethiopia waxeey Eretria u yeeshay sideey rabeen iyadoo uga tanaasushay dhulkii colaadda ka dhalatay laakiin Somalia lagama hadal dhulka la isku heeysto, iyadoo la xasuusto in Ciidanka Melleteriga Ethiopia Muqdisho ku dileen 27000,.todobo iyo labaatan kun oo qof, oo Somalia. kuwaas oo si arxan daran ay Ciidamadda Xabashidda u xasuuqeen.


Loading...

Loading...

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...