[Topnews:-] Dowladda Somalia oo cambaareeyn kala kulantay qorshe ay ugu geftay aqoonta Somalida iyo ilaalinta dastuurka Qaranka.

0
Sunday January 13, 2019 - 08:21:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2285
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Dowladda Somalia oo cambaareeyn kala kulantay qorshe ay ugu geftay aqoonta Somalida iyo ilaalinta dastuurka Qaranka.

    Waagacusub.com - Qodobo ka mida Dastuurka Somalia oo Nin ajnabiya in shaqo la siiyo darteed loo bedelaa iyo fadeexada ka dhalatay ?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Qodobo ka mida Dastuurka Somalia oo Nin ajnabiya in shaqo la siiyo darteed loo bedelaa iyo fadeexada ka dhalatay ?

Baraha bulshadda ku kulmaan sida Facebook iyo Twitter waxaa  buux dhaafiyay cambaareeyn la huwiyay madaxda sare ee Dowladda Somalia kuwaas oo baarlamaanka weeydiistay in la bedelo qodobo ka mida oo diidaya inuu  Gudoomiyaha bankiga Somalia noqon karo qof aan Somali aheyn.

Dowladda Villa Somalia oo u muuqata mid taariikh madoow oo gumeeysiya ka tageeysa ayaa dooneysa in nin u dhashay Ingiriiska loo magacaabo Gudoomiyaha bankiga dhexe ee Somalia.

Inkastoon la ogeeyn baarlamaanka waxeey yeeli doonaan haddana Wariye Abdullahi Osman Farah ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray warbixintaan kooban.

Waa arrin xasaasi ah in qodob ka mid ah dastuurka Soomaaliya loo badalo si qof ajinabi ah shaqo loo siiyo.

Qodobka la rabo in la badalo ayaa u dhigan sidan "Qofka madaxda ka noqonaya Bankiga Dhexe waa inuu yahay muwaadin Soomaali ah"

Si uu Nigel Roberts madax uga noqdo Bankiga dhexe ee Soomaaliya, waa inuu qodobkaas meesha ka baxaa. Doodda arrintan ayaa la filaya inuu Isniinta u fariisto Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa kaloo jira qodob labaad oo isna u baahan doona in la badalo kaas oo isna u qoran "Shaqo uu qof Soomaali ah qaban karo, looma dhiibi karo qof ajinabi ah".

Qodobka dambe hadii la badalo, wax badan ayaa ka bixi doona gacanta Soomaalida, waxaana wanaagsan in Dowladu ay talaabooyinka qaar uga fakarto si degan, iyadoo eegeysa mustaqbalka dambe.

Rabitaan qofeed, Qaran laguma hago.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...