[Kenya ] oo loo ogolaadey inay darbiga sida ay doonto u dhisato si ay ugu guulesato Dacwada Badda

0
Sunday February 03, 2019 - 20:04:13 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2696
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Kenya ] oo loo ogolaadey inay darbiga sida ay doonto u dhisato si ay ugu guulesato Dacwada Badda

    Waagacusub.com- Waa labada wasiir arimo dibadeed Somaliya iyo Kenya oo kala saxiixdey heshiis qatar ku ah Badda Somaliya. Dabayaaqadii Bishii Janaayo 2019, waxaa Magaalada Mandheera ey Ku Kala saxiixdeen wasaaradaha Arr. Dibadda ee Dowladaha Soma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Waa labada wasiir arimo dibadeed Somaliya iyo Kenya oo kala saxiixdey heshiis qatar ku ah Badda Somaliya. Dabayaaqadii Bishii Janaayo 2019, waxaa Magaalada Mandheera ey Ku Kala saxiixdeen wasaaradaha Arr. Dibadda ee Dowladaha Somaliya & Kenya Heshiis shaki i galiyay oo caawa illaa waqtigaan aan u Soo jeedo. ( F.S: 1aad) Waxaa lagu Kala saxiixday Mandheera dhinaca Kenya, waxaana joogay Masuuliyiinta deegaanka dhinaca kenya.dhinaca kale ee somalida oo goobta Saxiixa 1km Ka yar u jiro Masuuliyiintii Maamul iyo Deegaan ma joogeen? Waa meel dhowr talaabo u jirto Darbi xuduudeedka Labada Dal laga dhax dhisayo. ( F.S: 2 & 3aad)

Haddii Kenya Dalkeeda dhaxdiisa ey Ka dhisanee Darbi iyada ayey u Taal. Haddii ey leedahay Argagixiso ayaan Ku celinaa ,Keymaha Buni ayey ku wareejin laheyd Darbi ama Jasiiradda ey Ugandha isku heystaan.


Loading...

Haddii Saxiixu khuseeyo Darbiga laga bilaabayo Mandheera, waa la qaloocin karaa dhismaha marka uu u dhawyahay Xeebta, waxa uuna Saameeynaa Xuduud badeedka aan haddana Kenya isku heysano.


Si fiican u fiiri, Map-ka xuduudii hore, sida uu toos ugu socday ayaa loo Soo qaloociyay dhinaca Somaliya, mar kalena hadda waa la sii qaloociyay karaa.( F.S: 4aad)


Waa taa tan aan caawa Ka walwalsanahay, waxaan codsanayaa cidii wax Ka og Warqadaha la saxiixay ee Ku dhax Jira Feylka Cas & kan Buluuga ah in ey noo cadeeyso,Dowladuna  iyadaa ayaa nooga wakiil ah in ey noo sheegto.


Dhinaca kale maxaa isku aadiyay Saxiixa Dag daga ah & Xaraashka Shidaalka Somalia oo dhawaan lagu qaban doono London 7-2-2019? 


Maxeese kwada hadleen Raisal Wasare Khayre & Uhuru Kenyata Madax weynaha Kenya ? Bal is weydii 


Ali Aadan Hashi

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...