[Sokortii dhacday] ee Muqadishu laga dajiyay oo lugaha la gashay qoysaska MW Farmaajo iyo RW Kheyre [Cadeymo]

1
Saturday February 09, 2019 - 14:55:03 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2796
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Sokortii dhacday] ee Muqadishu laga dajiyay oo lugaha la gashay qoysaska MW Farmaajo iyo RW Kheyre [Cadeymo]

    Waagacusub.com- Sanadkii la soo dhaafay waxaa dalka Kenya ka socotay dacwad la xiriirtay Sokor dhacday oo laga keenay dalka Baraasiil laakiin ku xayirnayd dekada ku taalo magaalo xeebeedka ee Mombaza. Bishii Disember ee sanadkii tagay ayaa waxaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Sanadkii la soo dhaafay waxaa dalka Kenya ka socotay dacwad la xiriirtay Sokor dhacday oo laga keenay dalka Baraasiil laakiin ku xayirnayd dekada ku taalo magaalo xeebeedka ee Mombaza. Bishii Disember ee sanadkii tagay ayaa waxaa la amray in Sokorktaas dib loogu celiyo dalka Barasil laakiin markabkii waday Sokorta oo lagu magacaabao Iron Lady Vayaa waxaaa loo weeciyay Dekadda weyn ee magaalada Muqadishu.

Hadaba ka dajinta Sokorta ee Muqdishu ayaa waxaa ay soo martay xaalado kala dawn iyada oo ay  ka soo shaqeeyeen shaqsiyaad ehel la ah Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre kuwaas oo iyaga oo huwam magaca dowladnimada Soomaaliya ku guuleystay in  Sokor dhacday ay ka dajiyaan  magaalada Muqadisho,

  • Sokorta dhacday in la keeno Soomaaliya waxaa dalaal ka ahaa kana soo shaqeeyay Axmad  Adan oo loo yaqaano Axmad Dhere. Axmad Dhere ayaa ah ninka lacagaha u laga dhaco shacabka Soomaaliyeed u hayo Madaxweyne Farmaajo si mustabal uu u isticmaalo. Waa  nin qareen dacwado badana looga heysto dalka Kenya.
  • Axmed Dhere ayaa bilihii Oktoobat, Nofeenbar iyo Diseembar waxa uu safro ku tagay magaalada Muqdishu in ka badan toban jeer isaga oo halkaas kula kulmaayay Madaxweyne Farmaajo iyo Ganacsato uu hogaaminaayo nin lagu magacaabo Ismaaciil Gooni oo  ilma adeer la ah Ra’iisal Wasaare Xassan Cali Kheyre kaas oo ganacsiyo badan ku leh magaalooyinka Muqadisho iyo Kenya.  Kulamadaas ayaa looga hadlaayay keenista Sokartaas dhacday iyo in Canshuur u dhaaf loo sameeyo.
  • Axmad Dhere ayaa u arkay in ay lama huraan tahay in Fahad Yasin iyo Cabdishakur Cali Mire labadaba qayb ka noqdaan barnaamijkaan si uu u najaxao. Kulamo dhowr ah oo lagu yeeshay xarunta NISA ee magaalada Muqadishu ayaa waxaa goobjoog ka haa Axmad Dhere, Fahad Yasin iyo Cabdishakur Cali Mire. Kulamadaas yaa lagu go’aamiyay in sokortaas la soo galiyo dalka Fahad Yaasin uu ku amro Agaasimaha Axmad Washington  in  sokortaas marka la keeno in si deg-deg ah loo sii daayo. (Axmad Washingtonayaa shaqada waxaa siiyay oo geeystay  dekada Fahad iyo Cabdishakur Cali Mire)
  • Dhanka kale Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud Cabdikarin Gabayre oo ah qof lagu yaqaan musuq hadana loo haysto guryo uu ka dhacay dad shacab ah ayaa waraaq u qoray waraaq Madaxa Wasaarada Maaliyadda ee dekada isaga oo codsanaya in cashuur dhaaf buuxa loo sameeyo sokorta ku imanayso Markabka lagu magacaabo Iron Lady V.  Gabeyre ayaa waxaa uu shirko kula yahay ganacsiyo badan Ismaaciil Gooni oo ah ninka Sokorta keenaya Soomaaliya.

Kusimaha madaxa Canshuuraha dekada Muqadishu ayaa u sheegay  Gabeyre iyo Ismaaciil Gooni in uusan awood u lahaynin in canshuur dhaaf uu u sameeyo sokortaas ilamaa uu amar ka helo Ra’iisal Wasaare Kheyre.

Ra’iisal Wasare Kheyre ayaa waxa uu amray in sokorta loo sameeyo canshuur dhaaf isaga oo sabab uga dhigay in gacansatada Soomaaliyeed ay 1,000 jawaan ugu deeqi doonaan ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Dhanka Fahad Yasin iyo Cabdishakur Ali Mire oo uu wehliyo Axmad Dhere ayaa la kulmay Madaxa Dekada Axmad Washington kuwaas oo ku qanciyay in uu fududeeyo soo dajinta Sokorta la socoto Markabka Iron Lady V.  Fahad iyo Cabdishakur ayaa waxa ay ku leeyahay lacagta ka imanaysa Sokorta 22% halka Ismaaciil Gooni oo wakiil ka ah milkiilayaasha iska leh Sokorta uu ka sameeyn dooni iibinta sokortaas  malaayiin doolar.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

MW Farmaajo oo labadii sano ee la soo dhaafay ku faananaya yin uu yahay qof ka fog  Musuq-maasuqa ayaa  waxa uu la soo baxay wajigiisa rasmiga ah. Ma aha kaliya in uu isaga musuq ku jiro ee qoyskiisa ayuu u dhacayaa hantidii qaranka isaga oo aan ka dhaxeeynin nolosha umadda Soomaaliyeed.

 

Ali Aadan Hashi


Loading...


Loading...

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...