[Topnews:-] Dowladda Somalia oo Kenya u diyaarisay jawaabo adag ?

0
Sunday February 17, 2019 - 10:08:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 7677
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 2
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Dowladda Somalia oo Kenya u diyaarisay jawaabo adag ?

    Waagacusub.com - Saraakiisha Villa Somalia iyo kuwa Wasaaradda Arrimaha dibadda Somalia ayaa tibaaxay in la diyaariyay qodobo adag oo looga jawaabi doono waxeey ku sheegeen DAANDAANSIGA KENYA.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Saraakiisha Villa Somalia iyo kuwa Wasaaradda Arrimaha dibadda Somalia ayaa tibaaxay in la diyaariyay qodobo adag oo looga jawaabi doono waxeey ku sheegeen DAANDAANSIGA KENYA.

Dowladda Somalia qodobada amaradda ka soo bixi doona waxaa ka mida:-

1- In guud ahaan dalka Somalia laga mamnuucay ka ganacsiga Khaatka Miroowga ee Kenya laga keeno.

2- In Kenya mudo bil gudaheeda Ciidankeeda jooga Jubooyinka iyo Gedo kula baxdo.

3- Hay’adaha ka shaqeeya Somalia iney si degdega Nairobi uga guuraan ,una guuraan Muqdisho ama dal ka mida kuwa la saaxiibkaa Somalia.

4- Haddii Kenya ay ixtiraami weyso madaxbananida daleed, dhuleed iyo tan dadeed ee Somalia , in xiriirka diplomaasiyadda hoos loo dhigo, haddii ay waantoobi weysana loo jaro.

5-In muran xadeedka badda Somalia laga gelin gorgortan ,lana sugi doono natiijadda ama xukunka dacwadda taal Maxkamadda Caalamiga ee ICJ.

 Sikastaba ha ahaatee, Dowladda Kenya oo Safiirkii Somalia eriday sidoo kalena u yeeratay Safiirkii Muqdisho u joogay ,wuxuu ujeedkooda ugu weyn yahay iney Dowladda Somalia cadaadis ku saaraan iney joojiyaan dacwadda xadka badda ee Maxkamadda ICJ hortaal.

By Dahir Alasow


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...