[Topnews:-] Halista isticmaalka Lyca Prepaid Simcard ?

0
Wednesday February 20, 2019 - 05:34:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4135
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Halista isticmaalka Lyca Prepaid Simcard ?

    Shirkadda Isgaarsiinta Lycamobile ayaa xanibtay Prepaid Simcard aan ka qaatay shan sano ka hor oo lacag dhan 34 Euro iigu jirtay .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda Isgaarsiinta Lycamobile ayaa xanibtay Prepaid Simcard aan ka qaatay shan sano ka hor oo lacag dhan 34 Euro iigu jirtay .

Simcard-kaas oo aan ku diiwaangeliyay Whatsapp,Facebook iyo Emailadeyda waxaan inta badan u isticmaali jiray iney dadweynaha iga soo wacaan ,xilliyadda doodaha laakiin Lycamobile waa diiday iney dib u furto .

Bilo kadib qofkasta ayaa qaadan kara Simcard-ka leeyga xanibay taas oo ka dhigan inuu la wareego karo Whatsapp backup-keeyga, Emailadeyda ,Twitter-keeyga iyo barteeyda Facebook maadama ay ku wada diiwaangashan yihiin.

Halista intaan la eg oo kale waxey ku dhacday Mahad Mumin oo Lycasimcard-kiisii laga xanibay isagoo safar ku jooga Malta. 

"Lycamobile waxey xanibeen Simcard-keeygii, Facebook iyo Emailadeydii ma geli karo, qofkii qaata Simcard-kaas ayaa geli kara” ayuu yiri Mahad Mumin oo Waagacusub la soo xiriiray.

Asha Hussein oo ka mida Somalida Netherlands waa gabadh caana, waxaa laga xanibay Simcard-keedii Lycamobile xilli ay ku maqneed fasax .

"Hadda ma geli karto barteeyda Facebook ,waxaan heeystay  followers dhan boqol kun oo Qof” ayey tiri Asha Hussein oo Facebook ku soo gasha neenaasta LAJECLEYDA INA SHIDO.

"Telefoonka Xaaskeeyga ayaan wacay kadibna waxaa iga qabtay Qof ku hadlaayey luqadda Carabiga, waan yaabay laakiin markii aan Shirkadda la xiriirnay waxeey noo sheegtay ineysan afar bilood lacag ku shuban sidaas darteedna laga xanibay oo Qof kale qaatay Simcard-kii Xaaskeeyga” ayuu yiri Hossein oo ah Somali Dutch ku nool gobolka Brabant ee Netherlands.

Sikastood ula xiriirtid Xarunta Lycamobile kama heleeysid war ku farxadgeliya, waxeeyna ku leeyihiin akhri sharuucdeena, laguuma furaayo Simcard-ka. Maxaa yeelay kuma hadlin seddex bilood ama lacag kuma shuban.

Shacabka Soomaaliyeed oo si joogtaa u isticmaala Lycamobile, waxaa baboon iney ka fikiraan halisteey kala kulmi karaan Lyca simcard .

Lycamobile qiil umma heleeyso iney Simcard lacag ku jirto iska xirato laakiin waxaa muhiima in Dowladaha Midowga Yurub baaris dhaba ku sameeyaan halista ka imaan karta go’aanadda Shirkadda Lyca mobile iyo telefoonadda Prepaid Card-ka loo yaqaan.

Sikastaba ha ahaatee, maamulka Lycambile ayaan la xiriiri doona todobaadkaan si aan u weeydiiyo waxey uga jawaabayaan cabashada macaamiishooda.

By Dahir Alasow

[email protected]


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...