[Kooxda Al-Shabaab] oo kulamo kala duwan ku qabteen Muqdisho

0
Friday March 08, 2019 - 03:08:48 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2462
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Kooxda Al-Shabaab] oo kulamo kala duwan ku qabteen Muqdisho

    Waagacusub.com- Markii ugu horeeysay mudo laga joogo 6 sano ayaa Kooxda Al Shabaab hogaankooda dhexe waxey ku qabteen Muqadishu kulamo gaar gaar oo kala duwan. Kulamadaas ayaa waxey la yeesheen qaar ka mida ganacsatada ku ganacsadat Muqadisho, Oda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Markii ugu horeeysay mudo laga joogo 6 sano ayaa Kooxda Al Shabaab hogaankooda dhexe waxey ku qabteen Muqadishu kulamo gaar gaar oo kala duwan. Kulamadaas ayaa waxey la yeesheen qaar ka mida ganacsatada ku ganacsadat Muqadisho, Oday dhaqameedyo iyo qaar ka mida hay'adaha gargaarka iyo kuwa nabadda ee ka howl gala Muqadisho. Mid ka mid dadkii ka qayb galay kulankaas ayaa sheegay in  Kooxda Al Shabaab oo aysan ka muuqan  wax cabsi iyo wal-wal ay ku qabteen shir  guri ku yaalay xaafada Hodon ee Goboolka Banaadir. 
Kulanka ayaa  looga hadlay in Al Shabaab isbadal ku sameeyeen qaabka ay uga howl gasho Muqdisho taas oo ay ku muujinaayeen iney bartilmaamedsanayaan  oo kaliya Waxey ku sheegeen " Kooxaha Mujirimiintaā€¯ ee u shaqeeya dowlada iyo ganacsatada la shaqeysta dowlad Fedaraalka laakiin ay Muqdisho ka joojin  doonaan wax la yiraahdo dilalka qorsheeysan oo ay ayagu horay u fulin jireen.

Loading...

Dhanka Kale Kooxda Al Shabaab ayaa kordhisay lacagaha canshuraha oo ay bixiyaan dhamaan gacansadata ka howl gasho guud ahaan magaalada Muqadisho  oo ay ku jiro deegaanada ay ka taliso dowlada iyada oo ku sheegay korarkaas in uu la xiiro korordha howlagalada ay ku bartilmaameysanayaan dowlada Federaalka iyo dadka u shaqeeya.

Kooxda Argagixisada ee Al Shabaab ayaa doonayo in ay taageero ka helaan shacabka ku dhaqan Muqdisho iyagoo fursad u helay in ay ku dhex milmaan shacabka Muqdisho.

Talabadaan ay qaaday kooxda Al-Shabaab waxay walwal dheeraad ah galinaysaa shacabka iyo ganacsatada ku dhaqan Gobolka Banadir. Hadii aysan dowlada  Farmaajo ka hortegin.

Waxaan shaki ku jirin in Amaanka Muqdisho uu ka sii dari doono maalmaha iyo bilaha soo socdo marba hadii Kooxda Al Shabaab ay shirar ku qabanayaan maalin cad deeganadda ay dowlada ka taliso. 

Dhanka kale waxaa khatar ku jira nolosha dadka naftood hurayaasha ah ee u shaqeeya dowlada sida Xildhibanada iyo shaqaalah guud ee dowlada ee aan haysanin ciidan u gaar ah oo ilaaliya.

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...