[Topnews:-] Dowladda Somalia oo si fool xun ula dhaqantay Fanaanka Salaad Derbi iyo Dil loogu hanjabay ?

0
Wednesday March 20, 2019 - 01:18:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 7890
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Dowladda Somalia oo si fool xun ula dhaqantay Fanaanka Salaad Derbi iyo Dil loogu hanjabay ?

    Waagacusub.com - Fanaanka weyn Salaad Derbi oo caawa la soo xariiray Waagacusub ayaa u sheegay inuu Dowladda Somalia iyo maamulka gobolka Banaadir kala kulmay dhaqan uu ka yaabay oo aad u fool xun kadib markii lagu wargeliyay inuu iskaga guuro Hotelk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Fanaanka weyn Salaad Derbi oo caawa la soo xariiray Waagacusub ayaa u sheegay inuu Dowladda Somalia iyo maamulka gobolka Banaadir kala kulmay dhaqan uu ka yaabay oo aad u fool xun kadib markii lagu wargeliyay inuu iskaga guuro Hotelkii Dowladda dejisay ee SYL , iyadoo dhinaca kalena loo sheegay in laga rabo lacag dhan 8000$ kun oo dollar taas oo ah mudadii uu deganaa Hotelka.

Fanaan Salaad Derbi oo Madaxtooyadda Villa Somalia casuuntay kadib markii uu ka qeybgalay arooska gabadha Mohamed Abdullahi Farmaajo waxaa ka soo waday Mareykanka Fanaanadda Nakruma laakiin nasiibdaro markii uu Xamar tegay wuxuu la kulmay bahdil iyo takoor uu ka muraala dilaacay.

"Madaxweyne Farmaajo inaan la kulmo waa la ii diiday, dhismahii Shirkadeyda ee aan afduubka iyo dhaawaca u galay ,waxaa laga iibshay Shirkad Carbeed, Hotelkii ay dowladda i dejisay waa la iga saaray, lacagtiina horena adiga iska bixi ayaa leeygu dhahay, iminka Mareykanka ayaan dib ugu laabanayaa maxaa yeelay hanjabaado ayaa iga soo gaaray Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo Kooxda Al-Shabaab” ayuu yiri Fanaan Salaad Derbi.

Fanaan Salaad Derbi ayaa degay Hotel Wardheere laakiin hadana waa iskaga guuray xaalad amni darteed.

Sikastaba ha ahaatee, Fanaan Salaad Derbi oo ah American Citizen guri weyn ku leh Mareykanka wuxuu hanjabaadaha lagula kacay ku wargeliyay ehelkiisa iyo Safaaradda Mareykanka, waxaana la filayaa inuu todobaadkaan qabto Shir Jaraa’id ,isagoo faahfaahin doono sida foosha xun ee loola dhaqmay.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...