[Qaraxii 5-aad] oo maanta ka dhacay Muqdisho

0
Saturday March 23, 2019 - 14:56:54 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1825
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Qaraxii 5-aad] oo maanta ka dhacay Muqdisho

    Waagacusub.com- Wararka ka imanaya Isgooyska Ex-Koontarool Afgooye ayaa sheegaya in uu halkaas ka dhacay Qarax lagu xiray Gaari ay la socdeen dad rayid ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Wararka ka imanaya Isgooyska Ex-Koontarool Afgooye ayaa sheegaya in uu halkaas ka dhacay Qarax lagu xiray Gaari ay la socdeen dad rayid ah.

Inta la xaqiijiyay 2 Qof oo Rayid ah ayaa dhintay halka Xildhibaan Salaad Sheekh Xuseen, oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle uu ku dhaawacmay qaraxa.

Gaari ay la socdeen ayaa la sheegay in uu qarxay,waxaana qof ka mid ah dadka ehelka la ah dadka ay waxyeellada soo gaartay xaqiijiyay dhimashada laba qof iyo dhaawac qof kale.

Qaraxan waxaa uu ku soo beegmay iyada oo Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha iyo Wasaaradda Howlgala guud uu ka socdo dagaal u dhaxeeya AL-shabaab iyo Ciidamada dowladda.

Waa Qaraxii Shanaad oo ka dhacay Muqdisho Maanta oo Sabti ah, Labadii Qarax ee ugu horeysay ayaa ahaa kuwa ka dhacay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha oo ay ka dhex dagalaamayaan Kooxo ka tirsan Al-Shabaab.

Qaraxii Sedexaad ayaa ka dhacay meel u dhow Masaajidka Biyamaalow oo u dhow Isgoyska Howl-Wadaag, wuxuuna ahaa qarax dhulka lagu aasay.

Qaraxa Afaraad ayaa ka dhacay Wadada Warshadaha ee Magaalada Mudisho, wuxuuna ahaa Qarax lagu aasay Bar Koontarool oo ay Ciidamada Booliska ku lahaayeen agagaarka Xarunta Eveco oo ku taal Jidka Warshadaha.

Midkaan hadda ka dhacay Ex Control Afgooye ayaa noqonayo midkii Shanaad oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Jawiga Magaalada ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana xiran inta badan waddooyinka Magaalada Muqdisho.

Qaraxyada maanta oo sabti ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalin ka hor uu Kusimaha Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin oo kulan la qaatay Guddoomiyaasha degmooyinka iyo Taliyeyaasha Booliska uu ugu baaqay inay ka feejignaadaan qaraxyo ka dhaca Muqdisho.



Loading...

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...