[Ra'isulwasaare] Xasan Cali Kheyre weli waa tacsi u joog!

0
Saturday March 23, 2019 - 16:24:43 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 3208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Ra'isulwasaare] Xasan Cali Kheyre weli waa tacsi u joog!

    Waagacusub.com- Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa ka tacsiyeey Alla ha u naxariistee dadkii ku shahiiday weerarkii argagaxiso ee kooxda Arxan-laawayaasha, dad qalatada ah ay ku doonayeen in

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa ka tacsiyeey Alla ha u naxariistee dadkii ku shahiiday weerarkii argagaxiso ee kooxda Arxan-laawayaasha, dad qalatada ah ay ku doonayeen in ay ku dhibaateen umadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ku shahiiday weearka argagaxiso waxa uu ugu duceeyay in Allaha uu jannadii geeyo eheledii iyo asaxaabtiib ay ka bexeenna samar iyo iimaan uu ka siiyo.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tacsi gaar ah u diray Wasiir ku-xigeenkii Wasaarradda Shaqada iyo arrimaha bulshada, Saqar Ibraahim Cabdalla oo kamid ahaa dadkii ku shahiiday, waxa uuna dhammaan dadka ku dhaawacmay u rajeeyay in Allah uu siiyo caafimaad deg deg ah.

Wasiirka Koowaad ee xukuumadda ayaa ballan qaaday in dawladda Soomaaliyeed ay sii wadi doonto dagaalaka ay kula jirto kooxaha argagaxisada ilaa laga tirtirayo jiritaankooda si ummadda Soomaaliyeed ay ugu noolaato nabad buuxda.

Hadalka Ra’isulwasaare Kheyre ayaa waxaa ku jiray inay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan Kooxda Al-Shabaab, balse waxaa is waydiin mudan ma jiraa dagaal ay Ciidamada Dowladda kula jiraan Al-Shabaab maadaama aysan dowladda Farmaajo weli qaadin dagaal ka dhan ah kooxdaan hadda mareyso inay hal Maalin 5 Qarax ka fuliyaan Caasimadii Soomaaliya kaaga sii darane meel aan sidaas uga fogeyn Madaxtooyada Soomaaliya.

Xasan Cali Kheyre weli waa tacsi u joog, wuxuuna mar kasta ballan qaadaa waxyaabo aysan dowladda Soomaaliya marnaba diyaar u aheyn inay sameyso ama aysan awoodin!!!.

Hadalka Ra’isulwasaaraha ayaa imaanayo xilli Weerar ku bilowday qaraxyo gaari laga soo buuxiyay ay  barqanimadii maanta rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab  ku qaadeen Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Qaraxaas oo ay ka dhasheen Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya ayaa weerarkaas markii dambe soo afjaray,waxaana Mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab.



Loading...

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...