[Topnews] Weerarkii Farmaajo ku qaaday banaanbaxayaasha Muqdisho oo shaaca ka qaaday afar dhaqan oo uu leeyahay ?

0
Saturday April 13, 2019 - 22:09:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2450
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 3 0
  • Share via Social Media

    [Topnews] Weerarkii Farmaajo ku qaaday banaanbaxayaasha Muqdisho oo shaaca ka qaaday afar dhaqan oo uu leeyahay ?

    Waagacusub.com - Madaxweyne Farmaajo ayaan soo hadal qaadin dadka kale ee Shacabka ahaa ee iyana la dilay intii ay banaan baxyada socdeen, waxaana jira warar sheegaya in dadka ay Ciidanka booliska dileen ay gaareyso 4 qof oo uu ku jiray Wiil dhalinya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Madaxweyne Farmaajo ayaan soo hadal qaadin dadka kale ee Shacabka ahaa ee iyana la dilay intii ay banaan baxyada socdeen, waxaana jira warar sheegaya in dadka ay Ciidanka booliska dileen ay gaareyso 4 qof oo uu ku jiray Wiil dhalinyaro ah oo u gargaari jiray dadka barakacayaasha ah.

Hadalka Madaxweyne Farmaajo ayaa banaanka soo dhigay qodobada soo socdo:

  • Inuu yahay Madaxweyne aan dulqaad laheyn:

Hadalka Madaxweyne Farmaajo waxaa ka muuqatay dulqaad la’aan iyo Xanaaq farabadan, mana ahan tilmaamaha lagu yaqaano Madaxweynayaasha guuleystay.

  • Inuu yahay Madaxweyne aan aqbali karin dhaleeceynta.

Marka aad dhageysato Khudbadda Madaxweyne Farmaajo waxaad dareemeysaa inuu yahay Madaxweyne aan aqbali karin dhaleeceynta.

Ciidamadii Dowladda ayaa dad shacab ah laayey weliba wuxuu banaanbaxa bilowday kadib dilka loo geystay Darawal Bajaajle iyo qofkii uu waday, waxaana taas kadib dhacday inay dadka soo banaanbaxaan waxaa loogu sii jawaabay dilal kale oo gaarayo illaa 4.

Halkii uu Farmaajo canaanan lahaa Ciidamada Booliska ee dilka geystay isla markaasna ku dhaqmay anshax xumo aan loogu talagalin Booliska, wuxuu  ku hadlay hadal aan laga sugeyn waxaana muuqatay inuu ka careysan yahay dhaleeceynta xoogga leh ee ka socotay Baraha Bulshada iyo hadaladii ay jeediyeen dadkii banaanbaxayey ee Farmaajo ugu baaqay inuu is casilo.

  • Calaamado kalitigii talisnimo ah

Hadalka uu Maanta ku hadlay Madaxweyne Farmaajo ayaa lamid ah midkii uu maalmo ka hor ku hadlay Madaxweynihii kaligii taliska ahaa ee dalka Suudaan Al-Bashiir kaasoo ugu dambeyn la geliyey xabsi guri.

Al-Bashiir oo ay 3 bil shacabkiisa ku banaanbaxayeen si uu xilka uga dago ayaa sii adkeeyey taligii talisnimadiisa, wuxuuna wadanka kusoo rogay  hal sano oo xaalad degdeg ah.

Inuu Madaxweyne Farmaajo usii hanjabo shacabkii ka banaanbaxayey dilka lagu hayo waxay ka dhigan tahay mid lamid ah tallaabadii uu qaaday Taligii Taliskii Suudaan ee xilka loogga looga tuuray.

  • Inuusan damaqasho lahayn
  • Khudbadda Farmaajo waxay banaanka soo dhigtay inuusan laheyn damqasho, maadaama uu xataa ka hadli waayey dadkii Maanta la laayey iska dhaaf inuu u tacsiyeeyo.

Waxaa muuqato inay Farmaajo kala muhiimsan tahay Dhiigga Shacabka inuu is difaaco isla markaasna uu ka cararo dhaleeceyn iyo inuu qaato Mas’uuliyaddii loo igmaday.

Waxaa qoray: Maxamed Yuusuf Cabdulle

Amsterdam 


Loading...

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...