[Kulankii beelaha HAWIYE] oo lagu shaaciyey in DF ay beegsaneyso dad gaar ah
Waxa uu sheegay in shacabka Muqdisho la ciqaabayo oo dowladda ay ku ciqaabyeso ayada oo ku andacooneysa inay sugeyso amni, balse aysan weli sugin amnigii oo qaraxyada ay socdaan.
Nabaddoon Cabdulqaadir Maxamuud Maxamed Abaabul oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in shacabka Muqdisho aysan qaban in haweenkooda ay ku dhalaan Mooto Bajaaj iyo in baabuurtii ganacsiga lagu qasbay inay socdaan habeen kaliya.
Waxa socda waxaan u aragnaa arrin lagu beegsanayo hantida dad gaar ah, haddii dowladda u qabto inaan hurudno ha ogaato, waan soo jeednaa ayuu yiri
Wabar Socdaal Raage oo isna ka hadlay kulanka ayaa sheegay in xitaa Muqdisho laga xanibay khudaartii soo geli jirtay oo magaalada banaankeeda lagu xanibay.
Wabar ayaa sheegay in dadka Muqdisho lagu hayo ciqaab ay ku hayaan dadka hoggaamiya dowladda, oo uu sheegay inay fashilmeen.
[Kulankii beelaha HAWIYE] oo lagu shaaciyey in DF ay beegsaneyso dad gaar ah
Waagacusub.com- Odayaasha beelaha Hawiye ayaa maanta kulan ay Muqdisho ku yeesheen uga hadlay xaaladda magaalada Muqdisho iyo go'doonka ay dowladda gelisay magaalada. Kulankan, oo aan horraantii toddobaadkan sheegnay inuu dhacayo, ayaa maanta