[Xog]: Spectrum iyo Som Oil and Gas oo malaayiin dollar siiyey Farmaajo iyo Kheyre

0
Thursday May 23, 2019 - 08:06:45 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1623
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Xog]: Spectrum iyo Som Oil and Gas oo malaayiin dollar siiyey Farmaajo iyo Kheyre

    Waagacusub.com- Shirkadaha hoggaanka u haaya iibinta 50 Blocs oo ka mid ah dhulka laga helay Shidaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in malaayiin lacag ah ay siiyeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya dhowrkii bil ee ugu dambeysay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Shirkadaha hoggaanka u haaya iibinta 50 Blocs oo ka mid ah dhulka laga helay Shidaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in malaayiin lacag ah ay siiyeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya dhowrkii bil ee ugu dambeysay.

Waagacusub Media ayaa ogaatay in intii u dhaxaysay 20-ka Febraayo 2019 ilaa May 11-keeda ee 2019 ay labadaan Shirkadood bixiyeen lacag ku dhow 8 milyan oo dollar, lacagtaas oo toos loo siiyay Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya.

Lacagtaan ayaa ku timid dalab ka soo baxay dowladda Soomaaliya, iyadoo u sababeysay in dhaqaalo xumi heysato Dowladda Soomaaliya, islamarkaana laga jartay deeqihii dibadda tan iyo markii ay eryeen Nicholas Haysom, sida ay ogaatay Waagacusub Media 

Lacagta ay codsatay Dowladda Soomaaliya waxay kaloo qayb kamid ah ku sheegtay in ay u isticmaali doonto fududeynta taaba gelinta Sharciga Batroolka si wada-ogol ugu meel mariyaan Baarlamaanka Soomaaliya, taas oo ay ku sheegtay in looga maarmi karo dowlad gobaleedyada.

Shirkadahaan ayaa 2 jeer kala bixiyay lacagahaan iyagoo fulinaya dalabka dowladda Soomaaliya. Qof ka tirsan Xafiiska Raysal Wasaaraha Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay xogtaan. Sidoo kale waxa uu noo sheegay in habeenno badan uu kulan ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya xili saq dhexe ah kulamadaas oo aan la ogeyn natiijada ka soo baxday.

Kulankii ugu dambeeyay waxa uu dhacay 7-dii bishaan waana markii la bixiyay lacagtii ugu dambeysay ee Shirkadahaan. Waxaa la aaminsan yahay in lacagtaasi lugu kala iibsaday codka Baarlamaanka si loo Ansixiyo Sharciga Batroolka Soomaaliya.

Shirkadah Spectrum iyo Som Oil and Gas ayaa lacag badan u huraya barnaamijka ku saabsan Batroolka Soomaaliya si ay uga gaaraan guulo wanaagsan iyo rabitaankooda ku aadan Kheyraadka Badda ee Soomaaliya iyadoo laga faa’ideysanayo kala qob qobnaanta Soomaali.

Damaca Shirkadahaan waxa uu soo bilaawday Xiligii dowladdii Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed ilaa hadda ayeyna Madaxweyne walba iyo Raysal Wasaare kasta kala hadlayeen batroolka Soomaaliya, laakiin hogaamiyaashii hore kuma dhiiran in ay rabitaankooda u yeelaan ilaa Soomaali ay ka heshiiso arimaha dhaxyaala.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...